HomeWararCiidamada DFS oo muddo kadib la wareegay Jilib-Marka oo ay gacanta ku...

Ciidamada DFS oo muddo kadib la wareegay Jilib-Marka oo ay gacanta ku hayeen Al-shabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Hawlgalka ayaa waxaa fuliyay Ciidamada Xoogga Dalka

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Jilib-Marka, kaas oo muddo dheer ay ka talinayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Deegaanka Jilib-Marka ayaa ku yaalla inta u dhexeysa Muqdisho iyo magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna kamid yahay deegaannada muhiimka ah ee ku teedsan waddada xeebta ah.

- Advertisement -

Hawlgalka ayaa waxaa fuliyay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya ciidamada Hay’adda Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo ciidamo ka tirsan qabaa’ilka deegaanka, kuwaas oo wadajir u qaaday hawlgalka.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadkii Al-shabaab ay ka firxadeen deegaanka kadib markii ay ka war heleen dhaqdhaqaaqa ciidamada dowladda, waxaana haatan si buuxda gacanta ugu haya ciidamada isgarabsanaya ee DFS.

Deegaanka Jilib-Marka ayaa la sheegay in Al-shabaab ay ka talinayeen muddo ka badan toban sano, waxaana ka saaristooda lagu tilmaamay guul muhiim ah oo dhanka amniga ah.

- Advertisement -

Hawlgalka oo loogu magac daray “Seefta Qarsoon” ayaa toddobaadyadii u dambeeyay ka socday deegaannada xeebta ah ee u dhexeeya Muqdisho iyo Marka, iyadoo horay Al-shabaab looga saaray deegaannada Gandarshe iyo Dhanaane.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay in hawlgallada militari ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtirayo maleeshiyaadka Al-shabaab, lana xaqiijiyo amniga guud ee dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts