HomeWararCiidamada DFS oo muddo kadib la wareegay Jilib-Marka oo ay gacanta ku...

Ciidamada DFS oo muddo kadib la wareegay Jilib-Marka oo ay gacanta ku hayeen Al-shabaab

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Hawlgalka ayaa waxaa fuliyay Ciidamada Xoogga Dalka

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Jilib-Marka, kaas oo muddo dheer ay ka talinayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Deegaanka Jilib-Marka ayaa ku yaalla inta u dhexeysa Muqdisho iyo magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna kamid yahay deegaannada muhiimka ah ee ku teedsan waddada xeebta ah.

- Advertisement -

Hawlgalka ayaa waxaa fuliyay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya ciidamada Hay’adda Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo ciidamo ka tirsan qabaa’ilka deegaanka, kuwaas oo wadajir u qaaday hawlgalka.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadkii Al-shabaab ay ka firxadeen deegaanka kadib markii ay ka war heleen dhaqdhaqaaqa ciidamada dowladda, waxaana haatan si buuxda gacanta ugu haya ciidamada isgarabsanaya ee DFS.

Deegaanka Jilib-Marka ayaa la sheegay in Al-shabaab ay ka talinayeen muddo ka badan toban sano, waxaana ka saaristooda lagu tilmaamay guul muhiim ah oo dhanka amniga ah.

- Advertisement -

Hawlgalka oo loogu magac daray “Seefta Qarsoon” ayaa toddobaadyadii u dambeeyay ka socday deegaannada xeebta ah ee u dhexeeya Muqdisho iyo Marka, iyadoo horay Al-shabaab looga saaray deegaannada Gandarshe iyo Dhanaane.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay in hawlgallada militari ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtirayo maleeshiyaadka Al-shabaab, lana xaqiijiyo amniga guud ee dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts