HomeWararMW Xasan Sheekh oo laba codsi oo muhiim ah u gudbiyay MW...

MW Xasan Sheekh oo laba codsi oo muhiim ah u gudbiyay MW hore Sheekh Shariif

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaddib kulan ka dhacay hoyga Sheekh Shariif ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo siyaasadeed iyo tabashooyin hore u jiray, kuwaas oo la sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen in si wadahadal ah loo wajaho, si loo yareeyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.

- Advertisement -

Xisbiga Himilo Qaran, oo uu hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kulanka ku muujiyay rabitaankiisa ku aaddan qabashada shir wadatashi qaran, kaas oo ay horay ugu baaqeen qaar ka mid ah mucaaradka. Madaxweynaha ayaa Sheekh Shariif ka dalbaday inuu door firfircoon ka qaato hirgelinta shirkaas, si loo xaqiijiyo in uu ku dhammaado is-afgarad qaran oo loo dhan yahay.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay inuu soo dhoweeyay codsigaasi, isaga oo caddeeyay diyaar u ahaanshihiisa inuu ka qeyb qaato dadaal kasta oo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed, laguna gaari karo midnimo iyo xasillooni siyaasadeed.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), uu door ka qaatay isu-soo-dhowaanshaha labada hoggaamiye, maadaama uu maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay ka socdeen kulammo wadatashi ah.

- Advertisement -

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo Sheekh Shariif ka mid yahay, ay qorsheynayaan inay dhawaan magaalada Garoowe ku qabtaan shir looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka.

Guud ahaan, kulanka Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa loo arkaa mid Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku doonayo inuu ku dejiyo tabashooyinka Madasha Mucaaradka, iyo sidoo kale kuwa maamullada Jubbaland iyo Puntland, si loo abuuro jawi u gogol xaaraya wadatashi qaran oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Latest stories