HomeWararBoosaaso: Ciidamo gadoodsan oo xiray afaafka hore ee Cisbitaalka Weyn

Boosaaso: Ciidamo gadoodsan oo xiray afaafka hore ee Cisbitaalka Weyn

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ay maanta xirteen afaafka hore ee Cisbitaalka Weyn ee magaalada, kadib markii ay ka gadoodeen mushahar la’aan iyo daryeel la’aan muddo dheer soo jiitamaysay. Goobta ay ciidanku xirteen ayaa si weyn u saameysay isu socodkii dadka iyo gaadiidka, taasoo keentay in xaalad […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ay maanta xirteen afaafka hore ee Cisbitaalka Weyn ee magaalada, kadib markii ay ka gadoodeen mushahar la’aan iyo daryeel la’aan muddo dheer soo jiitamaysay.

Goobta ay ciidanku xirteen ayaa si weyn u saameysay isu socodkii dadka iyo gaadiidka, taasoo keentay in xaalad kacsanaan ah ka dhalato magaalada. Goob-joogayaal ayaa xaqiijiyay in waddada halbowlaha ah ee magaalada gebi ahaanba la xiray, taas oo hakad gelisay adeegyada bulshada, gaar ahaan dadka u socday adeegyada caafimaad ee degdegga ah.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa ka cabanaya in xiritaanka waddadan uu dhibaato xooggan ku yeeshay bukaannada iyo qoysaskooda, maadaama ay adkaatay in si fudud loo helo adeeg caafimaad oo degdeg ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka gadoodka sameeyay ayaa sheegay in ay ku qasbanaadeen tallaabadan, maadaama cabashooyinkooda mushahar la’aanta iyo daryeel la’aanta aan weli wax jawaab ah laga bixin.

Xaaladda magaalada ayaa weli kacsan, iyadoo aan la ogeyn tallaabada maamulka Puntland iyo wasaaradda amniga ay qaadi doonaan.

- Advertisement -

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta degmada Carmo tababar ugu soo xiray ku dhawaad 500 askari oo ka mid noqonaya ciidamada Booliska Puntland. Intii uu tababarku socday, ciidamadan ayaa marar kala duwan sameeyay gadoodyo la xiriira mushahar iyo xuquuq la’aan, balse cabashadooda ayaa la sheegay in si hoose loo xaliyay, taas oo suuragelisay in tababarka si rasmi ah loo soo gebagabeeyo.

Munaasabadda xiritaanka ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Puntland iyo mas’uuliyiin kale.

Maalmihii u dambeeyay, ciidanka Puntland ayaa si isdaba joog ah uga cabanayay mushahar la’aan, daryeel xumo iyo xuquuq la’aan, taas oo muujinaysa caqabado joogto ah oo ay la daala dhacayaan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts