HomeWararTaliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray deegaanka Bariire

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray deegaanka Bariire

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqday deegaanka istiraatiijiga ah ee Bariire, oo dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab, iyadoo howlgalkaasi ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Uganda ee AMISOM/UPDF. Intii uu socday kormeerka, Jeneraal Sahal ayaa booqday gododkii iyo xarumihii ay hore ugu sugnaayeen Alshabaab, halkaas […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqday deegaanka istiraatiijiga ah ee Bariire, oo dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab, iyadoo howlgalkaasi ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Uganda ee AMISOM/UPDF.

Intii uu socday kormeerka, Jeneraal Sahal ayaa booqday gododkii iyo xarumihii ay hore ugu sugnaayeen Alshabaab, halkaas oo lagu arkay meydad badan oo ka tirsan kooxda, hub tiro badan iyo saanado ciidan oo ay ka tageen markii ay carareen.

- Advertisement -

Taliyaha ayaa ammaanay guusha ay ciidamada gaareen, isagoo ku dhiirrigeliyay in la sii laba-laabo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha Al-Shabaab ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Jeneraalka ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay godad ka qoteen guryo ay deganaayeen shacabka deegaanka, taas oo muujineysa sida kooxdaasi ay ugu takri-fasho hantida iyo nolosha dadka rayidka ah.

Latest stories