HomeWararCiidamada Puntland oo Gacanta Ku Dhigay Gaarigii Sahayda u Siday Kooxda Daacish

Ciidamada Puntland oo Gacanta Ku Dhigay Gaarigii Sahayda u Siday Kooxda Daacish

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Biyo Kulule, ku qabtay gaari nooca Dhaynta ah oo siday raashin iyo qalab tamarta cadceedda ah, kuwaas oo loo waday kooxda Daacish ee ku sugan togga Baallde. Sida lagu sheegay war kasoo baxay laamaha amniga, gaariga ayaa la qabtay xilli uu ku sii jeeday aagga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Biyo Kulule, ku qabtay gaari nooca Dhaynta ah oo siday raashin iyo qalab tamarta cadceedda ah, kuwaas oo loo waday kooxda Daacish ee ku sugan togga Baallde.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay laamaha amniga, gaariga ayaa la qabtay xilli uu ku sii jeeday aagga Baallde, iyadoo ay la socdeen laba nin dhalinyaro ah oo hadda loo haysto tuhun ah in ay sahayda si qarsoodi ah u gaarsiinayeen kooxda Daacish. Ciidamadu waxay horey u sameeyeen go’doomin adag oo lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqyada kooxdaas.

- Advertisement -

Warar laga helay ilo ku dhow kooxda Daacish ayaa sheegaya in keydkii raashinka iyo dawooyinka ee kooxdaasi uu gabaabsi noqday, taasoo ku qasbtay in ay sahay uga dalbadaan magaalada Boosaaso, iyagoo wajahay cadaadis xooggan oo kaga imaanaya ciidanka Puntland.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in xubnaha Daacish haatan isugu urureen saddex aag oo kala ah: Il-Abbal, Yucrin, iyo Maraagade, dhammaantoodna ku yaalla gudaha togga Baallde, oo qiyaastii 20km u jira magaalada Boosaaso.

Ciidamada Puntland ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan howlgallada militari ee lagu beegsanayo kooxda Daacish, si loo soo afjaro jiritaankooda gobolka Bari.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts