HomeWararWaa sidee Xaalada Baladxaawo

Waa sidee Xaalada Baladxaawo

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa saaka ku waabariisatay xaalad deggan, inkasta oo cabsi xoogan laga qabo in dagaallo cusub ay dib uga qarxaan, kaddib iska hor-imaad culus oo shalay ka dhacay magaalada, kaasoo dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, oo uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan. Isgaarsiinta magaalada oo go’neyd muddo ku […]

- Advertisement -

Magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa saaka ku waabariisatay xaalad deggan, inkasta oo cabsi xoogan laga qabo in dagaallo cusub ay dib uga qarxaan, kaddib iska hor-imaad culus oo shalay ka dhacay magaalada, kaasoo dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, oo uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan.

Isgaarsiinta magaalada oo go’neyd muddo ku dhow toddobaad ayaa si weyn u saameysay nolosha dadka shacabka ah, kuwaas oo la daalaa dhacaya xaalad nololeed oo aad u liidata. Dadka deegaanka ayaa wajahaya dhibaatooyin dhinaca cunnada, biyaha iyo adeegyada kale ee daruuriga ah.

- Advertisement -

Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in ay billowdeen barakacyo baaxad leh, iyadoo boqolaal qoys ay u qaxeen duleedka Balad-Xaawo iyo xuduudaha Kenya iyo Itoobiya, si ay uga fogaadaan saameynta colaadda.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in labada dhinac ee dagaalka ku lug lahaa weli ay ku sugan yihiin halkii ay horay u joogeen – ciidamada dowladda Federaalka ayaa ku sugan Xerada UK, halka kuwa Jubbaland ay weli joogaan gudaha magaalada.

Dhinacyada is haya – Dowladda Federaalka iyo Jubbaland – ayaa midba midka kale ku eedeynaya inuu hurinayo colaadda, taas oo si weyn u murjisay dadaallada lagu raadinayo xal waara oo gobolka Gedo ah.

Latest stories