HomeWararTaliye Janan oo Balanqaaday Xuquuq Buuxda Ciidamada Ka Soo Goosta Jubbaland

Taliye Janan oo Balanqaaday Xuquuq Buuxda Ciidamada Ka Soo Goosta Jubbaland

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland, Cabdirashid Janan, oo hadda u qaabilsan Dowladda Federaalka Soomaaliya Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Gedo, ayaa markale ka hadlay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Beledxaawo iyo xaaladda guud ee degmadaasi. Janan ayaa ku eedeeyay maamulka Jubbaland in ay wadaan falal amni darro iyo dhibaatooyin joogto ah oo saameyn ku yeeshay shacabka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland, Cabdirashid Janan, oo hadda u qaabilsan Dowladda Federaalka Soomaaliya Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Gedo, ayaa markale ka hadlay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Beledxaawo iyo xaaladda guud ee degmadaasi.

Janan ayaa ku eedeeyay maamulka Jubbaland in ay wadaan falal amni darro iyo dhibaatooyin joogto ah oo saameyn ku yeeshay shacabka ku nool Beledxaawo. Wuxuu sheegay in sababtaas awgeed ay jiraan ciidamo badan oo ka baxay dowladda federaalka, kuna biiray dhinaca Jubbaland.

- Advertisement -

Cabdirashid Janan ayaa sidoo kale si cad u sheegay in maleeshiyaadka taabacsan Axmed Madoobe ee ku sugan Beledxaawo aysan haysan wax xuquuq ah oo sharciyad ku fadhida. Wuxuuna u ballanqaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay si buuxda u siin doonto xuquuqda iyo daryeelka ay u baahan yihiin, haddii ay ka soo goostaan Jubbaland oo ay ku soo biiraan dowladda dhexe.

Janan ayaa socdaal ku tegay degmada Beledxaawo si uu u habeeyo maamulka iyo hoggaanka ciidamada ee ku sugan gobolka Gedo, iyada oo la doonayo in la xoojiyo awoodda dowladda federaalka ee gobolkaas.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts