Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland, Cabdirashid Janan, oo hadda u qaabilsan Dowladda Federaalka Soomaaliya Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Gedo, ayaa markale ka hadlay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Beledxaawo iyo xaaladda guud ee degmadaasi.
Janan ayaa ku eedeeyay maamulka Jubbaland in ay wadaan falal amni darro iyo dhibaatooyin joogto ah oo saameyn ku yeeshay shacabka ku nool Beledxaawo. Wuxuu sheegay in sababtaas awgeed ay jiraan ciidamo badan oo ka baxay dowladda federaalka, kuna biiray dhinaca Jubbaland.
Cabdirashid Janan ayaa sidoo kale si cad u sheegay in maleeshiyaadka taabacsan Axmed Madoobe ee ku sugan Beledxaawo aysan haysan wax xuquuq ah oo sharciyad ku fadhida. Wuxuuna u ballanqaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay si buuxda u siin doonto xuquuqda iyo daryeelka ay u baahan yihiin, haddii ay ka soo goostaan Jubbaland oo ay ku soo biiraan dowladda dhexe.
Janan ayaa socdaal ku tegay degmada Beledxaawo si uu u habeeyo maamulka iyo hoggaanka ciidamada ee ku sugan gobolka Gedo, iyada oo la doonayo in la xoojiyo awoodda dowladda federaalka ee gobolkaas.
