HomeWararPuntland oo Ka Jawaabtay Eedeynta Dowladda Federaalka ee ku aadan afduubka markabka

Puntland oo Ka Jawaabtay Eedeynta Dowladda Federaalka ee ku aadan afduubka markabka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Maamulka Puntland ayaa si kulul uga jawaabay war kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu sheegay in Puntland ay afduubatay markab ganacsi, taasoo lagu tilmaamay fal burcad-badeednimo. War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland xalay ayaa lagu sheegay in eedeyntaasi ay tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana ka tarjumeysa masuuliyad darro. Bayaanka Puntland […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka Puntland ayaa si kulul uga jawaabay war kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu sheegay in Puntland ay afduubatay markab ganacsi, taasoo lagu tilmaamay fal burcad-badeednimo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland xalay ayaa lagu sheegay in eedeyntaasi ay tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana ka tarjumeysa masuuliyad darro.

- Advertisement -

Bayaanka Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada ilaalada xeebaha ay gacanta ku dhigeen markab lagu magacaabo MV SEA WORLD, kaddib markii uu muddo ku warwareegayay xeebta Bareeda ee gobolka Bari. Sida lagu sheegay, dhalinyaro kalluumeysato ah ayaa markii hore fuulay markabka, balse waxaa si degdeg ah arrinta ula wareegay ciidamada ilaalada xeebaha, si loo badbaadiyo hantida markabka saaran loogana hortago in ay gacanta u gasho dad aan sharciga wadin.

Sidoo kale, Puntland waxay sheegtay in ay la soo xiriireen ganacsato reer Muqdisho iyo Safiirka Turkiga, kuwaasoo sheegtay in ay leeyihiin shixnadda saaran markabka. Si kastaba ha ahaatee, baaritaan rasmi ah oo ay sameeyeen hay’adaha amniga Puntland ayaa lagu ogaaday in dhammaan agabka saaran MV SEA WORLD uu yahay agab ciidan (military equipment), aysana jirin wax badeeco ganacsi ah oo markabka saarnaa.

Puntland waxay sheegtay in arrintani ay si cad u beeninayso warbixintii kasoo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo lagu sheegay in markab ganacsi afduub loo geystay.

- Advertisement -

Maamulka Puntland wuxuu hoosta ka xariiqay in uu ka go’an yahay ilaalinta amniga badda Soomaaliya, isla markaana aysan aqbali doonin in magaca maamulku lagu dhaawaco eedeyn aan caddayn lahayn.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts