HomeWararPuntland oo Ka Jawaabtay Eedeynta Dowladda Federaalka ee ku aadan afduubka markabka

Puntland oo Ka Jawaabtay Eedeynta Dowladda Federaalka ee ku aadan afduubka markabka

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Maamulka Puntland ayaa si kulul uga jawaabay war kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu sheegay in Puntland ay afduubatay markab ganacsi, taasoo lagu tilmaamay fal burcad-badeednimo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland xalay ayaa lagu sheegay in eedeyntaasi ay tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana ka tarjumeysa masuuliyad darro.

- Advertisement -

Bayaanka Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada ilaalada xeebaha ay gacanta ku dhigeen markab lagu magacaabo MV SEA WORLD, kaddib markii uu muddo ku warwareegayay xeebta Bareeda ee gobolka Bari. Sida lagu sheegay, dhalinyaro kalluumeysato ah ayaa markii hore fuulay markabka, balse waxaa si degdeg ah arrinta ula wareegay ciidamada ilaalada xeebaha, si loo badbaadiyo hantida markabka saaran loogana hortago in ay gacanta u gasho dad aan sharciga wadin.

Sidoo kale, Puntland waxay sheegtay in ay la soo xiriireen ganacsato reer Muqdisho iyo Safiirka Turkiga, kuwaasoo sheegtay in ay leeyihiin shixnadda saaran markabka. Si kastaba ha ahaatee, baaritaan rasmi ah oo ay sameeyeen hay’adaha amniga Puntland ayaa lagu ogaaday in dhammaan agabka saaran MV SEA WORLD uu yahay agab ciidan (military equipment), aysana jirin wax badeeco ganacsi ah oo markabka saarnaa.

Puntland waxay sheegtay in arrintani ay si cad u beeninayso warbixintii kasoo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo lagu sheegay in markab ganacsi afduub loo geystay.

- Advertisement -

Maamulka Puntland wuxuu hoosta ka xariiqay in uu ka go’an yahay ilaalinta amniga badda Soomaaliya, isla markaana aysan aqbali doonin in magaca maamulku lagu dhaawaco eedeyn aan caddayn lahayn.

Latest stories