Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa soo saartay baaq degdeg ah, iyada oo ka digtay khatarta sii kordheysa ee fayraska Kaduudiyaha, oo ay dhaliso kaneecada, kuna faafaya dalal badan oo dunida ah.
Sida ay sheegtay Diana Rojas Alvarez, oo ah sarkaal ka tirsan WHO oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva, waxaa jira ku dhowaad 5.6 bilyan oo qof oo ku nool 119 dal kuwaas oo halis ugu jira fayraskan, kaas oo sababi kara:
-
Qandho kulul
-
Xanuun lafdhabar iyo kalagoysyada ah
-
Iyo xaalado naafonimo oo waqti dheer ah
- Advertisement -
Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in kiisas cudurka Kaduudiyaha lagu arkay gudaha dalka, gaar ahaan qaar ka mid ah gobollada koonfureed. Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maxamed Xassan Maxamed, oo la hadlay warbaahinta , ayaa sheegay in cudurkan uu yahay mid khatar ah oo u baahan ka-hortag degdeg ah.
Wuxuu sheegay in wasaaraddu ay qaaday tallaabooyin ay ka mid yihiin:
-
Kormeer caafimaad oo ballaaran oo laga sameynayo goobaha uu fayrasku ku faafi karo
-
Wacyigelin bulsho oo ku saabsan sida looga hortago kaneecada
-
Bixinta daawooyin iyo qalab caafimaad oo loogu talagalay xarumaha lagu daweeyo dadka uu haleelo
WHO ayaa ku boorrisay dhammaan dowladaha in ay kordhiyaan feejignaanta, la socdaan kiisaska, ayna qaadaan tallaabooyin ka hortag iyo daaweyn isugu jira si loo xakameeyo faafitaanka cudurka.
WHO waxay ku boorrisay dadka ku nool meelaha halista ah in ay iska ilaaliyaan kaneecada, isticmaalaan shabaagaha kaneecada, xirtaan dhar jirkooda ka daboola, una soo dhowaadaan xarumaha caafimaadka haddii ay isku arkaan calaamadaha cudurka.
