HomeWararWeerar Baastoolad loo Adeegsaday oo Laba Qof Lagu Dilay Suuqa Hoose ee...

Weerar Baastoolad loo Adeegsaday oo Laba Qof Lagu Dilay Suuqa Hoose ee Hargeysa

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Nin hubeysan oo wata baastoolad ayaa xalay toogasho ku dilay laba qof gudaha Suuqa Hoose ee magaalada Hargeysa, kadib markii uu rasaas ku furay gaari yar oo dadweynuhu isticmaalaan, xilli uu taagnaa boosteejada laga raaco gaadiidka xaafadaha magaalada. Goobjoogayaal ayaa sheegay in falka uu dhacay xilli suuqu uu weli furnaa oo dhaqdhaqaaqiisu caadi ahaa, iyadoo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Nin hubeysan oo wata baastoolad ayaa xalay toogasho ku dilay laba qof gudaha Suuqa Hoose ee magaalada Hargeysa, kadib markii uu rasaas ku furay gaari yar oo dadweynuhu isticmaalaan, xilli uu taagnaa boosteejada laga raaco gaadiidka xaafadaha magaalada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in falka uu dhacay xilli suuqu uu weli furnaa oo dhaqdhaqaaqiisu caadi ahaa, iyadoo labada qof ee la beegsaday ay saarnaayeen mid kamid ah basaska yaryar ee u kala goosha xaafadaha Hargeysa.

- Advertisement -

Ninkii falka geystay ayaa goobta ka baxsaday daqiiqado kadib, waxaana isla markiiba howlgal baaritaan ah bilaabay ciidamada ammaanka Somaliland, kuwaas oo weli wada dadaallo lagu raadraacayo qofka weerarka fuliyay.

Dhacdadan ayaa argagax iyo cabsi ku abuurtay dadkii ku sugnaa suuqa, iyadoo dib u kicisay walaac horey u jiray oo la xiriira ammaanka gudaha magaalada, gaar ahaan meelaha ay dadka badani isugu yimaadaan.

Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Somaliland oo ku saabsan dhacdadan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts