Nin hubeysan oo wata baastoolad ayaa xalay toogasho ku dilay laba qof gudaha Suuqa Hoose ee magaalada Hargeysa, kadib markii uu rasaas ku furay gaari yar oo dadweynuhu isticmaalaan, xilli uu taagnaa boosteejada laga raaco gaadiidka xaafadaha magaalada.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in falka uu dhacay xilli suuqu uu weli furnaa oo dhaqdhaqaaqiisu caadi ahaa, iyadoo labada qof ee la beegsaday ay saarnaayeen mid kamid ah basaska yaryar ee u kala goosha xaafadaha Hargeysa.
Ninkii falka geystay ayaa goobta ka baxsaday daqiiqado kadib, waxaana isla markiiba howlgal baaritaan ah bilaabay ciidamada ammaanka Somaliland, kuwaas oo weli wada dadaallo lagu raadraacayo qofka weerarka fuliyay.
Dhacdadan ayaa argagax iyo cabsi ku abuurtay dadkii ku sugnaa suuqa, iyadoo dib u kicisay walaac horey u jiray oo la xiriira ammaanka gudaha magaalada, gaar ahaan meelaha ay dadka badani isugu yimaadaan.
Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Somaliland oo ku saabsan dhacdadan.
