HomeWararPuntland: Fadhigii Golaha Deegaanka Gaalkacyo Dib ayaa Loo Dhigay Iyadoo Muran Siyaasadeed...

Puntland: Fadhigii Golaha Deegaanka Gaalkacyo Dib ayaa Loo Dhigay Iyadoo Muran Siyaasadeed uu Dhalatay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u shaacisay dib-u-dhigidda fadhigii labaad ee Kalfadhiga 30-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo, sababo la xiriira xaaladda amni ee gobolka. Go’aankan ayaa salka ku haya warqad rasmi ah oo kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Mudug, kuna taariikheysneyd 20 Luuliyo 2025, isla markaana xambaarsaneyd […]

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u shaacisay dib-u-dhigidda fadhigii labaad ee Kalfadhiga 30-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo, sababo la xiriira xaaladda amni ee gobolka.

Go’aankan ayaa salka ku haya warqad rasmi ah oo kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Mudug, kuna taariikheysneyd 20 Luuliyo 2025, isla markaana xambaarsaneyd tixgelin ku saabsan xaaladda ammaanka iyo talo la xiriirta in fadhiga la hakiyo. Warqaddaasi oo sumaddeedu ahayd MGM/XG/DPL/SOM/153/2025 ayaa lagu wargeliyay dhammaan hay’adaha khuseeya in fadhiga dib loo dhigay illaa waqti dambe oo la shaacin doono.

- Advertisement -

Wasaaradda ayaa sheegtay in go’aankaasi uu yahay mid lagu ilaalinayo danta guud, xasilloonida siyaasadeed, iyo nabadgelyada gobolka, iyadoo la tixgelinayo duruufaha taagan.

Xubno ka tirsan Golaha Deegaanka oo Ka Horyimid Go’aanka

Dhanka kale, 23 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Gaalkacyo ayaa si cad uga horyimid go’aanka wasaaradda, iyagoo ku tilmaamay mid baal marsan dastuurka iyo xeerarka u yaalla Puntland. Xildhibaanadan oo horay mooshin uga gudbiyay Duqa Degmada Gaalkacyo, Maxamed Cabdirisaaq Daacad, ayaa sheegay in aysan aqbali doonin dib-u-dhigista fadhiga, ayna sii wadi doonaan howlaha Golaha si waafaqsan sharciga.

- Advertisement -

Khilaafkaan siyaasadeed ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Gaalkacyo ay wajahayso caqabado la xiriira ammaanka iyo kala aragti duwanaanta u dhexeysa maamulka gobolka iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka.

Lama oga waqtiga rasmiga ah ee fadhiga dib loo qaban doono, balse Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in go’aan rasmi ah laga gaari doono marka ay xaaladdu ogolaato.

Latest stories