HomeWararWarar Dheeraad ah oo Kasoo Baxaya Markabka Hubka Sida ee Lagu Qabtay...

Warar Dheeraad ah oo Kasoo Baxaya Markabka Hubka Sida ee Lagu Qabtay Xeebaha Puntland

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Warar horudhac ah ayaa kasoo baxaya markab hub sidday oo lagu qabtay xeebaha Raascaseyr, kaas oo lagu magacaabo Sea World, waxaana markabku kusoo xirtay dekadda magaalada Boosaaso kadib hawlgal ay fuliyeen ciidanka badda Puntland. Sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, maamulka Puntland ayaa durba bilaabay baaritaanno la xiriira markabkan, iyadoo uu baaritaankaasi horseeday tallaabooyin […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar horudhac ah ayaa kasoo baxaya markab hub sidday oo lagu qabtay xeebaha Raascaseyr, kaas oo lagu magacaabo Sea World, waxaana markabku kusoo xirtay dekadda magaalada Boosaaso kadib hawlgal ay fuliyeen ciidanka badda Puntland.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, maamulka Puntland ayaa durba bilaabay baaritaanno la xiriira markabkan, iyadoo uu baaritaankaasi horseeday tallaabooyin amni oo degdeg ah. Wararka ayaa muujinaya in la xiray Taliyihii Ciidanka PMPF ee degmada Caluula, Jaamac Axmed Muumin, oo loo yaqaan “Kambaala Yare”, kaasi oo lagu eedeeyay inuu ahaa masuulka amniga markabka iyo ninkii hogaaminayay socdaalkiisa.

- Advertisement -

Markabkan oo la sheegay in ay cilad farsamo ku timid intii uu ku sugnaa badda, ayaa xambaarsanaa saanad ciidan oo isugu jirta hub culus iyo mid fudud, taas oo dhalisay dareen weyn oo la xiriira halka uu u socday iyo cidda iska leh.

Baaritaannada socda ayaa la filayaa inay saameyn ku yeeshaan hannaanka maamul ee ciidamada badda Puntland, iyadoo la saadaalinayo in isbeddello waaweyn lagu sameeyo qaabka loo maareeyo sugnaanta xeebaha iyo kormeerka maraakiibta soo galaya.

Kiiska Sea World ayaa durba noqday mid hadal heyn ballaaran ka dhaliyay baraha bulshada, iyadoo dad badan ay is weydiinayaan ujeeddada rasmiga ah ee markabka iyo cidda si dhab ah uga dambeysay. Maamulka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin arrintan.

- Advertisement -

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayay walaac sii kordhaya oo la xiriira hubka sharci darrada ah ee mara badaha, taasoo si gaar ah u saameyneysa amniga badda Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts