HomeWararWafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

Date:

Related stories

Midowga Afrika oo ku baaqay hal cod oo adduunka ah

Libreville, 20 May 2026 – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU),...

Somali Human Rights Body Secures UN Peacebuilding Support

The Chairperson of the Somali National Human Rights Commission,...

 Israa’iil oo soo dhaweysay safaaradda Somaliland ee Jerusalem

Tel Aviv, 20 May 2026 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

Maryan Qaasim oo UN kula wadaagtay xuquuqda aadanaha

Maryan Qaasim oo UN kula wadatay xuquuqda aadanaha Muqdisho, Arbaco,...

Xamsa oo soo dhaweeyay safiirka cusub ee Jabuuti

Xamsa oo soo dhaweeyay safiirka cusub ee Jabuuti Muqdisho, 20...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud-Xayd, ayaa hoggaaminaya wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo ka qeybgalaya Shirka Sanadlaha ah ee 44-aad ee Guriyeynta Afrika (44th Annual General Meeting of Shelter Afrique), oo si rasmi ah uga furmay magaalada Algiers, caasimadda dalka Algeria.

Wafdiga Soomaaliya ayaa shirkan uga qaybgalaya magaca Wasaaradda Hawlaha Guud, iyagoo matalaya Dowladda Federaalka, waxayna ka mid noqon doonaan doodaha iyo wadatashiyada muhiimka ah ee looga hadlayo horumarinta iyo dardargelinta guriyeynta Afrika.

Shirka oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa arrimo ay kamid yihiin:

  • Yaraynta ku tiirsanaanta qalabka dhismaha ee laga keeno dibadda,

  • Xoojinta iskaashiga dowladaha Afrika si loo hirgeliyo mashaariic waaweyn oo guriyeynta ah,

  • Iyo qorsheyaasha shanta sano ee soo socota ee lagu horumarinayo nidaamyada guryeynta qaaradda, Soomaaliya-na ay si firfircoon uga mid tahay.

Mudane Siciid Xayd iyo wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Algiers, waxaana si gaar ah u soo dhoweeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee Algeria iyo Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Algeria, Mudane Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego).

Shirkan ayaa lagu wadaa in uu horseedo fursado cusub oo iskaashi iyo maalgelin ah oo lagu hormarin karo kaabeyaasha guryeynta dalka Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah dadaallada dowladda ee dib-u-dhiska iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories