HomeWararWafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud-Xayd, ayaa hoggaaminaya wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo ka qeybgalaya Shirka Sanadlaha ah ee 44-aad ee Guriyeynta Afrika (44th Annual General Meeting of Shelter Afrique), oo si rasmi ah uga furmay magaalada Algiers, caasimadda dalka Algeria. Wafdiga Soomaaliya ayaa shirkan uga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud-Xayd, ayaa hoggaaminaya wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo ka qeybgalaya Shirka Sanadlaha ah ee 44-aad ee Guriyeynta Afrika (44th Annual General Meeting of Shelter Afrique), oo si rasmi ah uga furmay magaalada Algiers, caasimadda dalka Algeria.

Wafdiga Soomaaliya ayaa shirkan uga qaybgalaya magaca Wasaaradda Hawlaha Guud, iyagoo matalaya Dowladda Federaalka, waxayna ka mid noqon doonaan doodaha iyo wadatashiyada muhiimka ah ee looga hadlayo horumarinta iyo dardargelinta guriyeynta Afrika.

- Advertisement -

Shirka oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa arrimo ay kamid yihiin:

  • Yaraynta ku tiirsanaanta qalabka dhismaha ee laga keeno dibadda,

  • Xoojinta iskaashiga dowladaha Afrika si loo hirgeliyo mashaariic waaweyn oo guriyeynta ah,

    - Advertisement -
  • Iyo qorsheyaasha shanta sano ee soo socota ee lagu horumarinayo nidaamyada guryeynta qaaradda, Soomaaliya-na ay si firfircoon uga mid tahay.

Mudane Siciid Xayd iyo wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Algiers, waxaana si gaar ah u soo dhoweeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee Algeria iyo Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Algeria, Mudane Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego).

Shirkan ayaa lagu wadaa in uu horseedo fursado cusub oo iskaashi iyo maalgelin ah oo lagu hormarin karo kaabeyaasha guryeynta dalka Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah dadaallada dowladda ee dib-u-dhiska iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts