HomeWararDagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

Date:

Related stories

Midowga Afrika oo ku baaqay hal cod oo adduunka ah

Libreville, 20 May 2026 – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU),...

Somali Human Rights Body Secures UN Peacebuilding Support

The Chairperson of the Somali National Human Rights Commission,...

 Israa’iil oo soo dhaweysay safaaradda Somaliland ee Jerusalem

Tel Aviv, 20 May 2026 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

Maryan Qaasim oo UN kula wadaagtay xuquuqda aadanaha

Maryan Qaasim oo UN kula wadatay xuquuqda aadanaha Muqdisho, Arbaco,...

Xamsa oo soo dhaweeyay safiirka cusub ee Jabuuti

Xamsa oo soo dhaweeyay safiirka cusub ee Jabuuti Muqdisho, 20...

Dagaal culus ayaa saaka dib uga qarxay deegaanka Meersiis oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii beelo wada dega deegaankaasi ay isku fara saareen dagaal hubeysan.

Iska horimaadkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisad kacsan ay ka jirtay deegaanka tan iyo shalay, kaddib markii afarta qof oo xoolo dhaqato ah lagu dilay deegaanka Tuke-gaw, oo ku dhow Meersiis. Dadka la dilay ayaa la xaqiijiyay inay kasoo jeedeen mid ka mid ah beelaha maanta dagaalku u dhexeeyo, taasoo keentay in ay sii kacsato xaaladda deegaanka.

Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in la isku adeegsanayo hub culus iyo mid fudud, hase yeeshee ma jirto xog rasmi ah oo la helayo oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka, sababo la xiriira isgaarsiinta oo aad u liidata.

Sidoo kale, fiidnimadii xalay ayaa weerar kale ka dhacay isla deegaanka Meersiis, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac, arrintaasoo sii hurisay xiisadda oo saaka sababtay dagaalka cusub.

Ilaa iyo hadda, kama aysan hadlin maamulka gobolka Galgaduud iyo sidoo kale dowladda Galmudug, lamana hayo war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka ama maamulka degmada Ceelbuur ee ku saabsan xaaladda deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa walaac xoogan ka muujinaya sii socoshada colaadda, iyagoo ugu baaqay dowladda dhexe iyo maamulka Galmudug inay si degdeg ah u dhexgalaan si loo xalliyo khilaafka una laabto wadahadal iyo nabad.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories