HomeWararDagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Dagaal culus ayaa saaka dib uga qarxay deegaanka Meersiis oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii beelo wada dega deegaankaasi ay isku fara saareen dagaal hubeysan. Iska horimaadkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisad kacsan ay ka jirtay deegaanka tan iyo shalay, kaddib markii afarta qof oo xoolo dhaqato ah lagu dilay deegaanka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaal culus ayaa saaka dib uga qarxay deegaanka Meersiis oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii beelo wada dega deegaankaasi ay isku fara saareen dagaal hubeysan.

Iska horimaadkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisad kacsan ay ka jirtay deegaanka tan iyo shalay, kaddib markii afarta qof oo xoolo dhaqato ah lagu dilay deegaanka Tuke-gaw, oo ku dhow Meersiis. Dadka la dilay ayaa la xaqiijiyay inay kasoo jeedeen mid ka mid ah beelaha maanta dagaalku u dhexeeyo, taasoo keentay in ay sii kacsato xaaladda deegaanka.

- Advertisement -

Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in la isku adeegsanayo hub culus iyo mid fudud, hase yeeshee ma jirto xog rasmi ah oo la helayo oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka, sababo la xiriira isgaarsiinta oo aad u liidata.

Sidoo kale, fiidnimadii xalay ayaa weerar kale ka dhacay isla deegaanka Meersiis, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac, arrintaasoo sii hurisay xiisadda oo saaka sababtay dagaalka cusub.

Ilaa iyo hadda, kama aysan hadlin maamulka gobolka Galgaduud iyo sidoo kale dowladda Galmudug, lamana hayo war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka ama maamulka degmada Ceelbuur ee ku saabsan xaaladda deegaanka.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa walaac xoogan ka muujinaya sii socoshada colaadda, iyagoo ugu baaqay dowladda dhexe iyo maamulka Galmudug inay si degdeg ah u dhexgalaan si loo xalliyo khilaafka una laabto wadahadal iyo nabad.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts