HomeWararGolaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, iyadoo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha degdegga ah ee abaarta ka jirta gobolka Awdal, horumarka maamulka maaliyadda, iyo arrimo kale oo muhiim ah oo khuseeya dowlad-dhiska. Gurmadka Abaarta Gobolka AwdalGoluhu wuxuu warbixin ku saabsan saameynta abaarta […]

- Advertisement -

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, iyadoo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha degdegga ah ee abaarta ka jirta gobolka Awdal, horumarka maamulka maaliyadda, iyo arrimo kale oo muhiim ah oo khuseeya dowlad-dhiska.

Gurmadka Abaarta Gobolka Awdal
Goluhu wuxuu warbixin ku saabsan saameynta abaarta ka dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA). Warbixinta ayaa tilmaantay in abaartu si ba’an u saameysay dadka, xoolaha iyo wax-soo-saarka deegaanada Saylac, Lughaya iyo tuulooyinka hoos yimaada.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hay’adaha dowladda ee ay quseyso in ay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladda, lana gaarsiiyo gurmad bini’aadantinimo bulshooyinka ay abaartu halakeysay. Sidoo kale, goluhu wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha caalamiga ah in ay gacan ka geystaan dadaallada lagu badbaadinayo dadka ku tabaalaysan abaarta.

Abaalmarin Qaran iyo Horumar Maaliyadeed
Golaha Wasiirrada ayaa hambalyo u diray Wasiirka Maaliyadda XFS, mudane Biixi Iimaan Cige, oo ku guuleystay abaalmarinta “Wasiirka Maaliyadda ugu Wanaagsan Qaaradda Afrika,” taas oo muujineysa guulaha la taaban karo ee laga gaaray dib-u-habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka.

Guulaha Warfaafinta Qaranka
Golaha ayaa sidoo kale bogaadiyay Wasaaradda Warfaafinta oo si rasmi ah u hirgalisay xarun warlalis casri ah (Media Satellite Teleport), taas oo sare u qaadday tayada iyo awoodda Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, kana dhigaysa mid la jaanqaadaysa heerarka caalamiga ah.

- Advertisement -

Iskaashi Shaqo oo Soomaaliya iyo Turkiga ah
Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey heshiis is-afgarad ah oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaas oo dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga. Heshiiskan ayaa ku saabsan iskaashi dhanka shaqo-siinta, horumarinta xirfadaha shaqaalaha iyo dhiirrigelinta fursadaha shaqo ee dhalinyarada Soomaaliyeed.

Latest stories