HomeWararPuntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo

Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo

Date:

Related stories

Midowga Afrika oo ku baaqay hal cod oo adduunka ah

Libreville, 20 May 2026 – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU),...

Somali Human Rights Body Secures UN Peacebuilding Support

The Chairperson of the Somali National Human Rights Commission,...

 Israa’iil oo soo dhaweysay safaaradda Somaliland ee Jerusalem

Tel Aviv, 20 May 2026 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

Maryan Qaasim oo UN kula wadaagtay xuquuqda aadanaha

Maryan Qaasim oo UN kula wadatay xuquuqda aadanaha Muqdisho, Arbaco,...

Xamsa oo soo dhaweeyay safiirka cusub ee Jabuuti

Xamsa oo soo dhaweeyay safiirka cusub ee Jabuuti Muqdisho, 20...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Puntland ayaa si rasmi ah u caddeysay in aysan aqoonsanayn maamulka ku-meel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo, ilaa iyo inta laga qabanayo shirweyne guud oo wadatashi ah oo ay ka qeybgalayaan dhammaan beelaha Puntland.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu xusay in gobollada Sool iyo Cayn si buuxda uga mid yihiin Puntland, iyadoo la raacayo Dastuurka maamulka, loona baahan yahay in go’aannada masiiriga ah lagu gaaro si waafaqsan sharciga iyo wadatashiga bulshada deegaanka.

“Gobollada Sool iyo Cayn iyo beelaha dega waxay si waafaqsan Dastuurka iyo qawaaniinta kale ee Puntland ka tirsan yihiin hannaanka Dawladda Puntland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale, Puntland ayaa si kulul u cambaareysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay faragelin muuqata oo ay ku hayso arrimaha gudaha ee Puntland. Maamulka Garoowe wuxuu ku tilmaamay aqoonsiga dowladda federaalka ee SSC-Khaatumo inuu yahay talaabo dhaawaceysa midnimada dhuleed ee Puntland iyo hannaanka Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale ku eedeeyay Villa Soomaaliya inay carqaladeynayso dadaallada Puntland ugu jirto la dagaallanka kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish, ayna wiiqeyso xasiloonida gobolka.

Dhanka kale, siyaasiyiin katirsan SSC-Khaatumo ayaa si degdeg ah uga jawaabay go’aanka Puntland. Murashaxa Madaxweynaha SSC, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, iyo siyaasi Cabdirisaaq Ibraahim Ataash ayaa si cad u diiday sheegashada Puntland, iyagoo ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo aan metelin rabitaanka shacabka deegaanka.

Waxay sheegeen in shacabka SSC ay hadda si xor ah uga tashanayaan masiirkooda, ayna dhisteen maamul u taagan ilaalinta xuquuqdooda, amnigooda iyo horumarkooda, iyada oo aan la ogolaan karin in cid kale sheegato ama metesho gobolladaas.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories