HomeWararWasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa si kulul u cambaareeyay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay si toos ah ama dadban u taageeraan kooxda ee Al-Shabaab. Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay horay u qaaday tallaabooyin adag, sida xayiraad lagu soo rogay qalab isgaarsiineed iyo badeecooyin […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa si kulul u cambaareeyay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay si toos ah ama dadban u taageeraan kooxda ee Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay horay u qaaday tallaabooyin adag, sida xayiraad lagu soo rogay qalab isgaarsiineed iyo badeecooyin gaar ah oo Alshabaab u adeegsato weerarada ay ka fuliso gudaha dalka. Waxa uu hoosta ka xarriiqay in weli ay jiraan ganacsato si ula kac ah u maalgelinaya Al-Shabaab, arrintaasna uu ku tilmaamay khatar amniyeed oo halis ku ah qaranka.

“Waa wax laga xumaado in ganacsato Soomaaliyeed ay lacago u geeyaan Al-Shabaab, xilli ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed naf iyo maalba u hureen sidii looga adkaan lahaa kooxdan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

- Advertisement -

Sidoo kale, Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka ay wado diyaarinta qorshe sharciyeed adag oo lagula xisaabtami doono cid kasta oo si kasta ula shaqeysa  Al-Shabaab. Wuxuu xusay in laga qaadi doono tallaabooyin sharci ah oo dhab ah ganacsatada lagu helo taageeridda argagixisada.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ugu dambeyntii ugu baaqday dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed in ay si buuxda uga fogaadaan wax kasta oo gacan siinaya kooxda Alshabaab , si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida, iyo horumarka dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts