HomeWararWasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa si kulul u cambaareeyay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay si toos ah ama dadban u taageeraan kooxda ee Al-Shabaab. Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay horay u qaaday tallaabooyin adag, sida xayiraad lagu soo rogay qalab isgaarsiineed iyo badeecooyin […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa si kulul u cambaareeyay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay si toos ah ama dadban u taageeraan kooxda ee Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay horay u qaaday tallaabooyin adag, sida xayiraad lagu soo rogay qalab isgaarsiineed iyo badeecooyin gaar ah oo Alshabaab u adeegsato weerarada ay ka fuliso gudaha dalka. Waxa uu hoosta ka xarriiqay in weli ay jiraan ganacsato si ula kac ah u maalgelinaya Al-Shabaab, arrintaasna uu ku tilmaamay khatar amniyeed oo halis ku ah qaranka.

“Waa wax laga xumaado in ganacsato Soomaaliyeed ay lacago u geeyaan Al-Shabaab, xilli ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed naf iyo maalba u hureen sidii looga adkaan lahaa kooxdan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

- Advertisement -

Sidoo kale, Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka ay wado diyaarinta qorshe sharciyeed adag oo lagula xisaabtami doono cid kasta oo si kasta ula shaqeysa  Al-Shabaab. Wuxuu xusay in laga qaadi doono tallaabooyin sharci ah oo dhab ah ganacsatada lagu helo taageeridda argagixisada.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ugu dambeyntii ugu baaqday dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed in ay si buuxda uga fogaadaan wax kasta oo gacan siinaya kooxda Alshabaab , si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida, iyo horumarka dalka.

Latest stories