HomeWararDagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu haatan ka socdo deegaanka Gumare, oo ku yaalla duleedka degmada Moqokori. Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada deegaanka, gaar ahaan xoogagga Macawiisleyda, iyo  Al-Shabaab. Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo deegaanka ah, dagaalka ayaa billowday saaka kadib markii ciidanka deegaanka ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab […]

- Advertisement -

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu haatan ka socdo deegaanka Gumare, oo ku yaalla duleedka degmada Moqokori. Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada deegaanka, gaar ahaan xoogagga Macawiisleyda, iyo  Al-Shabaab.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo deegaanka ah, dagaalka ayaa billowday saaka kadib markii ciidanka deegaanka ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Gumare. Wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in weerarka uu ahaa mid qorsheysan, iyadoo la bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay inay halkaasi isku uruursanayeen.

- Advertisement -

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in uu jiro khasaare kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac, hase yeeshee lama helin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan tirada khasaaraha dhimasho ama dhaawac. Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana la filayaa in dagaalka uu sii socon karo saacadaha soo socda.

Illaa iyo hadda, kama soo bixin wax war rasmi ah oo ku saabsan dagaalkan maamulka gobolka Hiiraan, dowlad-goboleedka Hirshabelle ama dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya.

Dagaalkaan ayaa qayb ka ah howlgallada sii socda ee ay ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda Federaalka ka wadaan gobollada dhexe, si looga saaro kooxda Al-Shabaab meelaha ay weli kaga sugan yihiin.

Latest stories