HomeWararDagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu haatan ka socdo deegaanka Gumare, oo ku yaalla duleedka degmada Moqokori. Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada deegaanka, gaar ahaan xoogagga Macawiisleyda, iyo  Al-Shabaab. Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo deegaanka ah, dagaalka ayaa billowday saaka kadib markii ciidanka deegaanka ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu haatan ka socdo deegaanka Gumare, oo ku yaalla duleedka degmada Moqokori. Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada deegaanka, gaar ahaan xoogagga Macawiisleyda, iyo  Al-Shabaab.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo deegaanka ah, dagaalka ayaa billowday saaka kadib markii ciidanka deegaanka ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Gumare. Wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in weerarka uu ahaa mid qorsheysan, iyadoo la bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay inay halkaasi isku uruursanayeen.

- Advertisement -

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in uu jiro khasaare kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac, hase yeeshee lama helin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan tirada khasaaraha dhimasho ama dhaawac. Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana la filayaa in dagaalka uu sii socon karo saacadaha soo socda.

Illaa iyo hadda, kama soo bixin wax war rasmi ah oo ku saabsan dagaalkan maamulka gobolka Hiiraan, dowlad-goboleedka Hirshabelle ama dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya.

Dagaalkaan ayaa qayb ka ah howlgallada sii socda ee ay ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda Federaalka ka wadaan gobollada dhexe, si looga saaro kooxda Al-Shabaab meelaha ay weli kaga sugan yihiin.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts