HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay kulan rasmi ah la yeeshaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Sisi, iyadoo kulankaasi ka dhici doono magaalada Qaahira ee caasimadda dalkaasi. Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay kulan rasmi ah la yeeshaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Sisi, iyadoo kulankaasi ka dhici doono magaalada Qaahira ee caasimadda dalkaasi.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo iskaashiga siyaasadeed ee gobolka.

- Advertisement -

Sidoo kale, labada hoggaamiye ayaa ka wada hadli doona arrimaha gobolka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saari doono xiisadda la xiriirta webiga Nile iyo saamaynta ay ku yeelan karto wadamada gobolka, oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeyn doonaa arrimaha la xiriira iskaashiga milatari iyo doorka ciidamada Masar ee xoojinta nabadda iyo ammaanka gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda Masar soo dhaweynta diirran iyo martigelinta heer qaran ee loo sameeyey wafdigiisa, isagoo tilmaamay in ay ka tarjumeyso xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada ka dhaxaysa labada shacab ee Soomaaliya iyo Masar.

Latest stories