HomeWararSoomaaliya iyo Koonfur Afrika oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan muhiim ah magaalada Pretoria kula yeeshay dhiggiisa Koonfur Afrika, Wasiirka Xiriirka Caalamiga iyo Iskaashiga, Mudane Ronald Ozzy Lamola. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bulshada. Intii uu […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan muhiim ah magaalada Pretoria kula yeeshay dhiggiisa Koonfur Afrika, Wasiirka Xiriirka Caalamiga iyo Iskaashiga, Mudane Ronald Ozzy Lamola. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bulshada.

Intii uu socday wadahadalka, labada wasiir waxay si qoto dheer uga wada hadleen fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga labada dal, iyadoo la qorsheynayo in la saxiixo heshiisyo is-afgarad oo ay kamid yihiin ka-dhaafista shuruudaha fiisaha ee baasaboorrada diblomaasiga iyo kuwa shaqaalaha dowladda. Waxaa sidoo kale la isla meel dhigay muhiimadda isku-duwidda iyo wadatashiga arrimaha fagaarayaasha caalamiga ah, iyo dib u furista ergada diblomaasiyadeed ee Koonfur Afrika ay ku lahayd magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyay dowladda Koonfur Afrika sida ay si naxariis iyo walaaltinimo leh ugu martigelisay jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas ku nool, oo door muuqda ka qaadata dhaqaalaha iyo ganacsiga dalkaas. Wuxuu sidoo kale xusay taariikhda saaxiibtinimo ee dheer ee labada dal ka dhaxaysa.

Dhankiisa, Wasiir Ronald Lamola ayaa mar kale caddeeyay taageerada buuxda ee dowladiisa ay u hayso midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu hoosta ka xariiqay sida Koonfur Afrika uga go’an tahay horumarinta iskaashi miro-dhal ah oo wax ku ool u ah labada dhinac.

Soomaaliya iyo Koonfur Afrika waxa ay leeyihiin xiriir saaxiibtinimo oo qoto-dheer, oo lagu xasuusto kaalintii mugga lahayd ee Soomaaliya ay ku lahayd taageeradii ay siisay halgankii xornimo-doonka Koonfur Afrika iyo ciribtirkii midab-takoorka.

Latest stories