HomeWararRa’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah tababar ugu soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababbaro kala duwan kusoo qaatay dalka Turkiga, gaar ahaan Kulliyadda Tababbarka Ciidamada ee TurkSom. Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa ahayd mid lagu muujiyay horumarka […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah tababar ugu soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababbaro kala duwan kusoo qaatay dalka Turkiga, gaar ahaan Kulliyadda Tababbarka Ciidamada ee TurkSom.

Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa ahayd mid lagu muujiyay horumarka ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidanka qalabka sida, iyada oo Ra’iisul Wasaaruhu uu xusay in dowladdu ay si dhab ah ugu heelan tahay dhismaha ciidan qaran oo leh aqoon, hoggaan wanaagsan iyo anshax ciidan.

- Advertisement -

“Dhismaha ciidanka xoogga dalka waa saldhigga dowladnimada. Askariga Soomaaliyeed wuxuu leeyahay karaamo iyo mudnaan gaar ah, waana tiirka amniga iyo midnimada dalka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku dhiirrigeliyay ciidanka in ay u diyaar garoobaan difaaca dalka iyo xoreynta goobaha wali ay ku sugan yihiin kooxaha Khawaarijta, isagoo ku adkeeyay in ay noqdaan ciidan u heellan soo celinta qiimaha, sharafka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, isaga oo si gaar ah ugu bogaadiyay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka ciidamada, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Latest stories