HomeWararDr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo loo Magacaabay Wakiilka Gaarka ah ee...

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo loo Magacaabay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u Qaabilsan Koonfurta Suudaan

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ururka Midowga Afrika ayaa si rasmi ah u magacaabay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna Madaxweynihii hore ee Puntland, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, in uu noqdo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan dalka Koonfurta Suudaan. Magacaabistan ayaa lagu shaaciyay warqad rasmi ah oo uu saxiixay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Mahmoud Ali […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ururka Midowga Afrika ayaa si rasmi ah u magacaabay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna Madaxweynihii hore ee Puntland, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, in uu noqdo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan dalka Koonfurta Suudaan.

Magacaabistan ayaa lagu shaaciyay warqad rasmi ah oo uu saxiixay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Mahmoud Ali Youssouf, taasoo lagu xusay in Dr. Cabdiweli Gaas lagu doortay xilkan muhiimka ah iyadoo lagu saleynayo khibraddiisa siyaasadeed, hoggaamineed iyo kartidiisa diblumaasiyadeed ee heer qaran iyo heer caalami ah.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa qoraalkiisa ku yiri:
“Aniga oo ku hadlaya magaca Guddiga Midowga Afrika iyo magacaygaba, waxaan kuu rajeynayaa guul iyo horumar howlaha cusub ee lagu aaminay, anigoo kuu muujinaya taageeradayda buuxda.”

- Advertisement -

Dr. Cabdiweli Gaas waxa uu horey u soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya (2011–2012), ka dibna waxa uu hoggaamiyay Dowlad-goboleedka Puntland muddo shan sano ah (2014–2019), isagoo intaasi lagu xusuusto dadaallo wax-ku-ool ah oo dhanka diblumaasiyadda, xasilloonida siyaasadeed, iyo horumarinta maamulka gudaha ah.

Magacaabistiisa ayaa ku soo beegantay xilli Koonfurta Suudaan ay wajahdo xaalado siyaasadeed oo adag, iyadoo weli ay socoto baahida loo qabo dhexdhexaadin dhab ah, xal waara, iyo dhisidda hay’ad dowladeed oo mideysan.

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika waxa uu door weyn ku leeyahay fududeynta wada-hadallada siyaasadeed, dabagalka iyo korjoogteynta fulinta heshiisyada nabadeed, iyo dhiirrigelinta hab maamul iyo hufnaan ku saleysan heshiis qaran.

- Advertisement -

Waxaa la filayaa in Dr. Cabdiweli uu dhowaan si rasmi ah uga howl billaabo gudaha dalka Koonfurta Suudaan, isagoo Midowga Afrika uga matalaya dadaallada lagu taageerayo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts