HomeWararMadaxweynaha Soomaaliya oo Dhagax Dhigay Garoon, Dekad iyo Xarunta Dayax-gacmeedka ee Shabeellaha...

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dhagax Dhigay Garoon, Dekad iyo Xarunta Dayax-gacmeedka ee Shabeellaha Dhexe

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray deegaanka Haawaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo hoggaaminaya wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda federaalka. Madaxweynaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay deegaanka Haawaay, waxaana halkaas ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, iyo mas’uuliyiin kale oo heer gobol iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray deegaanka Haawaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo hoggaaminaya wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda federaalka.

Madaxweynaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay deegaanka Haawaay, waxaana halkaas ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, iyo mas’uuliyiin kale oo heer gobol iyo heer qaran ah.

- Advertisement -

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qeyb ka ah dabagalka iyo kormeerka mashruucyo horumarineed oo muhiim u ah gobolka iyo guud ahaan dalka, kuwaas oo haatan laga hirgelinayo deegaanka Haawaay. Mashaariicdaasi waxaa ka mid ah:

  • Garoon Diyaaradeed oo Caalami ah

  • Dekad Cusub

    - Advertisement -
  • Xarunta Dayax-gacmeedka Qaranka

Mashruucyadan ayaa la filayaa in ay si weyn u xoojiyaan isku socodka ganacsiga, isgaarsiinta, iyo xiriirka gobollada dalka, iyadoo sidoo kale sare loogu qaadayo kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u kormeeray goobaha laga dhisayo garoonka diyaaradaha iyo dekadda, isagoo warbixin faahfaahsan ka dhageystay shirkadda fuliysa dhismaha, kana xog waraystay xaaladda guud ee howlgalka mashruuca.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka go’an in la ballaariyo kaabayaasha horumarineed ee dalka, iyadoo loo marayo iskaashi dhexmara dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada, iyo shirkadaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts