HomeWararMadaxweynaha Puntland oo Amray in Daryeel Caafimaad Degdeg ah la Siiyo Ciidamada...

Madaxweynaha Puntland oo Amray in Daryeel Caafimaad Degdeg ah la Siiyo Ciidamada Dhaawacmay

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa amar ku bixiyay in si degdeg ah magaalada Garoowe loogu raro ciidamada ka cabanayay daryeel la’aan caafimaad, isla markaana la hubiyo xaaladooda caafimaad, baahiyahooda nololeed iyo wixii taageero ah oo ay u baahan yihiin.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii ay cabasho muujiyeen qaar ka mid ah ciidamada ku dhaawacmay hawlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, kuwaas oo maanta bannaanbax ka dhigay magaalada Boosaaso, iyagoo xirtay wadada laamiga ah ee hormarta Isbitaalka Guud, kuna eedeeyay guddiga taakuleynta ciidamada in aysan si cadaalad ah u maareynin dhaqaalihii loogu talagalay.

- Advertisement -

Warka kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in Guddiga Daryeelka Ciidamada uu si toos ah ugu hawlan yahay caafimaadka iyo daryeelka ciidanka dhaawaca ah tan iyo markii howlgalka bilaabmay, iyadoo qaar ka mid ah ciidamada lagu daweynayo gudaha dalka, halka kuwa aan dalka wax looga qaban karin loo diray xarumo caafimaad oo ku yaalla Itoobiya iyo India.

“Ciidanka Puntland waa geesiyaal u taagan difaaca shacabka iyo dalka, waana masuuliyad dowladeed in la daryeelo caafimaadkooda iyo baahiyahooda nololeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda goboleedka Puntland waxay mar kale adkeynaysaa in aysan u dulqaadan doonin wax kasta oo carqalad ku noqda xuquuqda iyo daryeelka ciidamada qaranka, waxayna ballanqaaday baaris madax-bannaan oo lagu ogaanayo eedeymaha la xiriira lunsashada taageerada shacabka.

Latest stories