HomeWararMadaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gantaallaha ahaa ee ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ku qaaday dalka Qatar, iyaga oo ku tilmaamay tallaabo khatar ku ah xasilloonida gobolka. Madaxweynihii hore Farmaajo, oo war qoraal ah soo saaray, ayaa weerarka ku sifeeyay mid […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gantaallaha ahaa ee ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ku qaaday dalka Qatar, iyaga oo ku tilmaamay tallaabo khatar ku ah xasilloonida gobolka.

Madaxweynihii hore Farmaajo, oo war qoraal ah soo saaray, ayaa weerarka ku sifeeyay mid gardarro ah oo ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka gardarrada ah ee Iran ka qaaday maanta dalka Qatar. In gantaallo lagu weerarro dal nabdoon sida Qatar waa xadgudub sharciga caalamiga ah. Waxa kale oo ay khatar gelinaysaa inay kasii darto xiisadaha ka taagan gobolka iyo caalamka. Iran waa inay ka gaabsato falalkan sharci darrada ah,” ayuu yiri Farmaajo.

- Advertisement -

Dhankiisa, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale muujiyay walaac xoogan, isagoo sheegay in weerarkaasi uu dhaawacayo nabadda gobolka, isla markaana Qatar tahay dal saaxiib dhow la ah Soomaaliya, loona baahan yahay in loo muujiyo garab istaag buuxa.

Madaxweynayaashan hore ayaa ku booriyay beesha caalamka iyo dowladaha gobolka inay si degdeg ah uga shaqeeyaan dejinta xiisadda, iyaga oo ku baaqay in la dhowro madax-bannaanida iyo nabadgelyada waddamada Khaliijka.

Weerarkan ayaa sii huriyay xiisadaha u dhexeeya Iran iyo dalalka xulafada la ah Mareykanka, xilli uu gobolka Khaliijka wajahayo xaalad amni oo sii cakiran.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts