HomeWararMadaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gantaallaha ahaa ee ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ku qaaday dalka Qatar, iyaga oo ku tilmaamay tallaabo khatar ku ah xasilloonida gobolka. Madaxweynihii hore Farmaajo, oo war qoraal ah soo saaray, ayaa weerarka ku sifeeyay mid […]

- Advertisement -

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gantaallaha ahaa ee ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ku qaaday dalka Qatar, iyaga oo ku tilmaamay tallaabo khatar ku ah xasilloonida gobolka.

Madaxweynihii hore Farmaajo, oo war qoraal ah soo saaray, ayaa weerarka ku sifeeyay mid gardarro ah oo ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka gardarrada ah ee Iran ka qaaday maanta dalka Qatar. In gantaallo lagu weerarro dal nabdoon sida Qatar waa xadgudub sharciga caalamiga ah. Waxa kale oo ay khatar gelinaysaa inay kasii darto xiisadaha ka taagan gobolka iyo caalamka. Iran waa inay ka gaabsato falalkan sharci darrada ah,” ayuu yiri Farmaajo.

- Advertisement -

Dhankiisa, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale muujiyay walaac xoogan, isagoo sheegay in weerarkaasi uu dhaawacayo nabadda gobolka, isla markaana Qatar tahay dal saaxiib dhow la ah Soomaaliya, loona baahan yahay in loo muujiyo garab istaag buuxa.

Madaxweynayaashan hore ayaa ku booriyay beesha caalamka iyo dowladaha gobolka inay si degdeg ah uga shaqeeyaan dejinta xiisadda, iyaga oo ku baaqay in la dhowro madax-bannaanida iyo nabadgelyada waddamada Khaliijka.

Weerarkan ayaa sii huriyay xiisadaha u dhexeeya Iran iyo dalalka xulafada la ah Mareykanka, xilli uu gobolka Khaliijka wajahayo xaalad amni oo sii cakiran.

Latest stories