HomeWararSoomaaliya oo U Dabaal-dagtay 65-Guuradii Xorriyadda Gobollada Waqooyi

Soomaaliya oo U Dabaal-dagtay 65-Guuradii Xorriyadda Gobollada Waqooyi

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka ayaa xalay si weyn loogu dabaal-dagay 65-guuradii kasoo wareegtay maalintii ay Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya xorriyadooda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, taariikhdu markay aheyd 26-kii Juun 1960-kii. Munaasabadda ugu weyn ayaa lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir, halkaas oo ay kasoo qeyb-galeen madaxda sare ee dalka, xildhibaanada labada aqal, saraakiil […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka ayaa xalay si weyn loogu dabaal-dagay 65-guuradii kasoo wareegtay maalintii ay Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya xorriyadooda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, taariikhdu markay aheyd 26-kii Juun 1960-kii.

Munaasabadda ugu weyn ayaa lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir, halkaas oo ay kasoo qeyb-galeen madaxda sare ee dalka, xildhibaanada labada aqal, saraakiil ciidan, ururrada bulshada rayidka ah iyo qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa xusay in dowladnimada Soomaaliya ay soo wajahday dhaawacyo siyaasadeed oo salka ku haya kalitalisnimo, ku tagrifal awoodeed, iyo maamul-xumo. Wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in dib loo helo midnimo qaran oo dhab ah, isagoo muujiyay garawsho ku aaddan dhacdooyinkii taariikhiga ahaa.

Dhanka kale, Magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa sidoo kale lagu xusay munaasabadda 26-ka Juun. Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad uu ku sheegay baaq ku wajahan beesha caalamka, isaga oo ku celiyay codsiga Somaliland ee ah in la aqoonsado madax-bannaanidooda.

Guud ahaan goobaha lagu qabtay xuska xorriyadda, marka laga reebo deegaanada Somaliland, ayaa calanka buluugga ah ee Soomaaliya la taagay saqdii dhexe (12:00 habeenimo), taas oo astaan u ah xuska maalintii qaranimada qaybteeda koowaad.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts