Magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka ayaa xalay si weyn loogu dabaal-dagay 65-guuradii kasoo wareegtay maalintii ay Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya xorriyadooda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, taariikhdu markay aheyd 26-kii Juun 1960-kii.
Munaasabadda ugu weyn ayaa lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir, halkaas oo ay kasoo qeyb-galeen madaxda sare ee dalka, xildhibaanada labada aqal, saraakiil ciidan, ururrada bulshada rayidka ah iyo qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa xusay in dowladnimada Soomaaliya ay soo wajahday dhaawacyo siyaasadeed oo salka ku haya kalitalisnimo, ku tagrifal awoodeed, iyo maamul-xumo. Wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in dib loo helo midnimo qaran oo dhab ah, isagoo muujiyay garawsho ku aaddan dhacdooyinkii taariikhiga ahaa.
Dhanka kale, Magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa sidoo kale lagu xusay munaasabadda 26-ka Juun. Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad uu ku sheegay baaq ku wajahan beesha caalamka, isaga oo ku celiyay codsiga Somaliland ee ah in la aqoonsado madax-bannaanidooda.
Guud ahaan goobaha lagu qabtay xuska xorriyadda, marka laga reebo deegaanada Somaliland, ayaa calanka buluugga ah ee Soomaaliya la taagay saqdii dhexe (12:00 habeenimo), taas oo astaan u ah xuska maalintii qaranimada qaybteeda koowaad.
