HomeWararSoomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka...

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii gantaallaha ahaa ee ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ku qaaday saldhigga milatari ee Mareykanka ku leeyahay dalka Qatar, gaar ahaan saldhigga muhiimka ah ee Al Udeid. War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay weerarkaasi mid ah gardarro cad […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii gantaallaha ahaa ee ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ku qaaday saldhigga milatari ee Mareykanka ku leeyahay dalka Qatar, gaar ahaan saldhigga muhiimka ah ee Al Udeid.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay weerarkaasi mid ah gardarro cad oo ka dhan ah dowlad madax-bannaan, isla markaana halis ku ah amniga dadka rayidka ah iyo xasilloonida guud ee gobolka.

“Dowladda Soomaaliya waxay si adag u dhaleeceyneysaa falka gardarrada ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran kula kacday Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

- Advertisement -

Soomaaliya ayaa ku baaqday in si buuxda loo ixtiraamo xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan kuwa la xiriira ilaalinta rayidka iyo bedqabka gobolka. Sidoo kale, waxay ku adkaysatay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyadu muujiyaan is-xakameyn, si looga fogaado sii xumeynta xaaladda gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay mowqifkeeda cad ee ah garab-istaagga Qatar, iyadoo si buuxda u taageertay dadaallada ay dowladdu ugu jirto ilaalinta amnigeeda, xasilloonideeda, iyo difaaca danaha dadka Qataariyiinta ah.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, waxaana sidoo kale ugu yeereynaa beesha caalamka inay si mid ah u garab istaagto dadaallada nabadda iyo ilaalinta madax-bannaanida dowladaha,” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka.

Weerarkan ayaa sare u sii qaaday xiisadda u dhaxeysa Iran iyo Mareykanka, iyadoo gobolka Khaliijka uu mar kale wajahayo walaac la xiriira xasillooni darrida siyaasadeed iyo tan amni ee sii fidaysa.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts