HomeWararSoomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka...

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii gantaallaha ahaa ee ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ku qaaday saldhigga milatari ee Mareykanka ku leeyahay dalka Qatar, gaar ahaan saldhigga muhiimka ah ee Al Udeid. War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay weerarkaasi mid ah gardarro cad […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii gantaallaha ahaa ee ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ku qaaday saldhigga milatari ee Mareykanka ku leeyahay dalka Qatar, gaar ahaan saldhigga muhiimka ah ee Al Udeid.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay weerarkaasi mid ah gardarro cad oo ka dhan ah dowlad madax-bannaan, isla markaana halis ku ah amniga dadka rayidka ah iyo xasilloonida guud ee gobolka.

“Dowladda Soomaaliya waxay si adag u dhaleeceyneysaa falka gardarrada ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran kula kacday Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

- Advertisement -

Soomaaliya ayaa ku baaqday in si buuxda loo ixtiraamo xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan kuwa la xiriira ilaalinta rayidka iyo bedqabka gobolka. Sidoo kale, waxay ku adkaysatay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyadu muujiyaan is-xakameyn, si looga fogaado sii xumeynta xaaladda gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay mowqifkeeda cad ee ah garab-istaagga Qatar, iyadoo si buuxda u taageertay dadaallada ay dowladdu ugu jirto ilaalinta amnigeeda, xasilloonideeda, iyo difaaca danaha dadka Qataariyiinta ah.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, waxaana sidoo kale ugu yeereynaa beesha caalamka inay si mid ah u garab istaagto dadaallada nabadda iyo ilaalinta madax-bannaanida dowladaha,” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka.

Weerarkan ayaa sare u sii qaaday xiisadda u dhaxeysa Iran iyo Mareykanka, iyadoo gobolka Khaliijka uu mar kale wajahayo walaac la xiriira xasillooni darrida siyaasadeed iyo tan amni ee sii fidaysa.

Latest stories