HomeWararDib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Shirkii wadatashiga qaran ee uu iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dib u dhacay, inkasta oo lagu balansanaa in uu maanta ka furmo magaalada Muqdisho. Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta rasmiga ah ee baaqashada, warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in arrimo farsamo iyo dadaallo ay Madaxtooyadu wado — […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shirkii wadatashiga qaran ee uu iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dib u dhacay, inkasta oo lagu balansanaa in uu maanta ka furmo magaalada Muqdisho.

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta rasmiga ah ee baaqashada, warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in arrimo farsamo iyo dadaallo ay Madaxtooyadu wado — oo la xiriira sidii mucaaradka loogu qancin lahaa ka qeybgalka — ay sabab u yihiin dib-u-dhaca.

- Advertisement -

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, ayaa horey u muujiyay in aysan ka qeyb geli doonin shirka haddii aanay jirin daahfurnaan ku saabsan qodobada laga hadlayo, iyo haddii aan la xaqiijin ka qeybgalka maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Madaxtooyada Soomaaliya weli si rasmi ah ugama hadlin dib-u-dhaca, taasoo sii kordhisay walaaca mucaaradka iyo tuhunka ay ka qabaan geeddi-socodka siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo arrintan ka hadlay, ayaa ku adkeystay in dowladdu ka go’an tahay wadatashi dhab ah oo lagu xallinayo khilaafaadka jira. Wuxuu xusay in ay diyaar u yihiin in la dhageysto aragtida iyo cabashooyinka siyaasiyiinta, si loo gaaro is-afgarad qaran.

- Advertisement -

Shirkan ayaa loo arkayay mid muhiim u ah wadahadallada ku saabsan doorashooyinka, dastuurka, ammaanka iyo dib-u-heshiisiinta, balse dib-u-dhaciisa ayaa dib u dhigay rajooyinkii laga qabay xalka siyaasadeed ee dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts