HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay dadaallada ay dowladda dhexe wado si loo xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee haatan taagan, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada-tashiga qaran ee ay ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka. Madaxweynaha ayaa caddeeyay in dowladda ay ka go’an tahay qabashada shir wadatashi qaran, kaasoo ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay dadaallada ay dowladda dhexe wado si loo xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee haatan taagan, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada-tashiga qaran ee ay ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in dowladda ay ka go’an tahay qabashada shir wadatashi qaran, kaasoo ay ka soo qeyb galaan dhammaan qaybaha kala duwan ee siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu carabka ku adkeeyay in talo wadaag lagu gaari karo xasilooni siyaasadeed oo waarta.

- Advertisement -

“Dadka waa la wada tashaneynaa, meelkasta oo ay joogaan ayaan ugu tageynaa. Laakiin waxaan dooneynaa in taladaasi ay ku jirto niyad-samaan iyo mas’uuliyad dalnimo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in dowladda aysan ka daalin dadaallada ku saleysan midnimo, dowladnimo loo dhan yahay iyo horumar la taaban karo. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in Soomaaliya loo baahan yahay inay noqoto dal horumaraya oo ay dhismahiisa ka qayb qaataan dhammaan shacabka, si siman iyo si caddaalad ah.

“Waxaan rabnaa in Soomaaliya noqoto dal horay u socda, oo aan cid gaar ah lagu marti ka ahayn masiirkiisa,” ayuu yiri Madaxweynaha.

- Advertisement -

Dowladda Federaalka ayaa hore u qaaday tallaabooyin lagu horumarinayo wadashaqeynta heerarka kala duwan ee maamullada dalka, iyadoo dadaal xooggan lagu bixinayo xoojinta dowladnimada, wadashaqeynta siyaasadeed iyo midnimada qaranka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts