HomeWararImtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay...

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Waxaa saaka si rasmi ah uga bilaabmay magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare, kaas oo si mideysan ay u qaadayso Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sanadkan, in ka badan 39,000 oo arday, oo isugu jira wiilal iyo gabdho, ayaa u fariistay imtixaanka fasalka 12-aad, kuwaas […]

- Advertisement -

Waxaa saaka si rasmi ah uga bilaabmay magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare, kaas oo si mideysan ay u qaadayso Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sanadkan, in ka badan 39,000 oo arday, oo isugu jira wiilal iyo gabdho, ayaa u fariistay imtixaanka fasalka 12-aad, kuwaas oo ku kala sugan gobollada dalka. Wasaaradda ayaa sheegtay in imtixaanku uu yahay mid heer qaran ah, loona diyaariyay si hufan oo cadaalad ku dheehan tahay.

- Advertisement -

Ciidamada ammaanka ayaa si buuxda u sugaaya nabadgelyada goobaha imtixaanka, iyadoo la hakiyay dhammaan isu socodka bannaanka xarumaha imtixaanka inta uu socdo imtixaanku, si loo hubiyo amniga ardayda iyo maamulka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay imtixaanka, isaga oo bogaadiyay dadaalka Wasaaradda Waxbarashada iyo kaalinta ay ciidamada ammaanku ku leeyihiin xaqiijinta sugnaanta imtixaanka.

Xukuumadda DanQaran waxay mudnaan gaar ah siineysaa tayeynta waxbarashada dalka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu, isaga oo intaa ku daray in dowladda ay xoogga saartay in ubadka Soomaaliyeed helaan waxbarasho tayo leh oo la jaan-qaadaysa nidaamyada waxbarashada caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in Xukuumaddu guulo wax-ku-ool ah ka gaartay dib-u-habeynta nidaamka waxbarashada, gaar ahaan gaarsiinta adeegyada waxbarasho deegaannadii laga xoreeyay Khawaarijta.

- Advertisement -

Ugu dambeyn, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay ciidamada qalabka sida doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan sugidda ammaanka, gaar ahaan gaarsiinta warqadaha imtixaanka goobaha fog ee dalka, iyadoo la adeegsanayo diyaaradaha qummaatiga u kaca ee ciidanku leeyihiin.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa ugu baaqday waalidiinta, macallimiinta iyo guud ahaan bulshada in ay ardayda garab istaagaan, ayna dhiirrigeliyaan si ay si nabdoon, kalsooni leh ugu gutaan imtixaankooda.

Latest stories