HomeWararDFS oo Shaacisay Dilka Horjooge Sare oo Al-shabaab Ka Tirsanaa Howlgal Ka...

DFS oo Shaacisay Dilka Horjooge Sare oo Al-shabaab Ka Tirsanaa Howlgal Ka Dhacay Shabeellaha Hoose

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan oo hoos taga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa maanta fuliyay howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ka dhacay deegaannada Dhanaane iyo Gandarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab, waxaana lagu dilay horjoogihii ugu sarreeyay ee kooxdaasi u qaabilsanaa deegaannadaasi, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya. Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin magaca sarkaalka la toogtay, ilo madax-bannaan ayaa xaqiijiyay in uu howlgalkaasi sababay iska horimaad toos ah oo dhex maray ciidamada ammaanka iyo sarkaalka Al-shabaab, taasoo sababtay geeridiisa.

- Advertisement -

Wararka hordhaca ah ma caddaynayaan in sarkaalku la socday ilaaladiisa, iyo haddii ay waxyeello kasoo gaartay xubnihii la socday.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee NISA ay ku ciribtirayso horjoogayaasha sare ee Al-shabaab. Ciidanka Gaashaan ayaa dhawaan kordhiyay howlgalka ay si gaar ah ugu beegsanayaan maskaxda iyo qorsheeyeyaasha weerarada kooxda. Todobaadyo kahor ayay howlgal la mid ah ka fuliyeen deegaanka Sabiid, halkaas oo lagu dilay horjooge sare oo kooxda u qaabilsanaa abaabulka weerarrada hoobiyeyaasha tan iyo 2023.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay dardargelinta dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah, si loo sugo amniga dalka loona xoreeyo deegaannada ay wali ku dhuumaaleysanayaan.

- Advertisement -

Latest stories