HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo la Kulmay Bulshada Rayidka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la Kulmay Bulshada Rayidka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan muhiim ah kula yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka Soomaaliyeed, kaas oo ka dhacay Madaxtooyada Qaranka. Kulanka maanta ayaa qeyb ka ah wejiga hore ee gogol wadatashi qaran ah oo uu Madaxweynaha ku baaqay in la qabto 15ka Juun 2025, si loo dardar […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan muhiim ah kula yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka Soomaaliyeed, kaas oo ka dhacay Madaxtooyada Qaranka.

Kulanka maanta ayaa qeyb ka ah wejiga hore ee gogol wadatashi qaran ah oo uu Madaxweynaha ku baaqay in la qabto 15ka Juun 2025, si loo dardar geliyo wada-tashiga qaran ee ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee horyaalla dalka.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ka jeediyay khudbad uu ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee ay bulshada rayidka ku leeyihiin dhismaha dowladnimo iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda ee Soomaaliya.

“Haddii aan rabno in Soomaaliya ay hore u socoto, waa in aan ka dhaqaaqnaa meesha aan taaganahay oo aan ku raagaynay muddada dheer. Dimuqraadiyeynta dalka waa tiir muhiim u ah dowladnimada, waana in shacabka Soomaaliyeed siinaa fursad buuxda oo ay qeyb uga noqon karaan go’aan-qaadashada masiirkooda,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale muujiyay in gogosha 15-ka Juun aysan noqon doonin mid hal mar ah, balse ay noqon doonto hannaan furan oo wadatashi qoto dheer lagu dhisayo, isagoo ballan qaaday in uu sii wadi doono kulammada uu la yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulammada isdaba-joogga ah ayaa diiradda saari doona arrimaha aasaasiga u ah dowlad-dhiska Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin: dib-u-eegista dastuurka, hannaanka federaalka, doorashooyinka, iyo sugidda amniga.

- Advertisement -

Dowladda ayaa ku dhiirrigelinaysa dhammaan qeybaha bulshada in ay ka faa’iideystaan fursaddan muhiimka ah, si loo helo aragti mideysan oo ku dhisan danta guud ee qaranka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts