HomeWararRa’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Booqday Carta, Halka Lagu Aasaasay Jamhuuriyadda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Booqday Carta, Halka Lagu Aasaasay Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya

Date:

Related stories

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Xasan Sheekh iyo Al-Issa oo Arrimo Xasaasi ah Ka Wada Hadlay

Xasan Sheekh oo Muqdisho ku qaabilay Al-Issa, iyagoo ka wada hadlay diinta, nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti, ayaa maanta gaaray magaalada taariikhiga ah ee Carta, halkaas oo uu kormeer ku tagay goobo muhiim ah oo xusuus gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed. Magaalada Carta ayaa caan ku ah martigelinta shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti, ayaa maanta gaaray magaalada taariikhiga ah ee Carta, halkaas oo uu kormeer ku tagay goobo muhiim ah oo xusuus gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed.

Magaalada Carta ayaa caan ku ah martigelinta shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhacay sannadkii 2000, kaas oo horseeday dhismaha Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday halkii uu shirku ka dhacay, halkaas oo hadda laga hirgeliyey madxaf qaran oo keydinaya taariikhdii iyo dukumentigii shirkaasi, iyo wejiyadii kala duwanaa ee wadahadalladaasi mareen.

- Advertisement -

Mudane Xamsa ayaa ku tilmaamay Carta “xarun taariikhi ah oo dhaxal u leh ummadda Soomaaliyeed,” isagoo si gaar ah ugu mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti doorkii ay ka qaateen dib u dhiska iyo heshiisiinta Soomaaliya.

“Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxay Carta uga dhalatay rajo iyo wadajir. Dhismaha madxafkaan wuxuu damaanad u yahay in jiilasha dambe ay helaan raad taariikheed oo ku saabsan halka ay ka yimaadeen iyo jihada ay u socdaan,”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Booqashadan ayaa imanaysa xilli xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti uu gaaray heer istiraatiji ah, iyadoo labada dal ay si dhow uga wada shaqeynayaan arrimo amni, dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo goboleed.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts