HomeWararShirweynaha Qaran ee Maareynta Hubka iyo Ka Hortagga Qaraxyada oo Lagu Soo...

Shirweynaha Qaran ee Maareynta Hubka iyo Ka Hortagga Qaraxyada oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

 Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Shirweynaha Qaran ee Maareynta Hubka, Rasaasta, iyo Ka Hortagga Qaraxyada Macmalka ah (IEDs), kaasoo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho. Shirka ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta Qorshaha Qaran ee Maareynta Hubka iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

 Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Shirweynaha Qaran ee Maareynta Hubka, Rasaasta, iyo Ka Hortagga Qaraxyada Macmalka ah (IEDs), kaasoo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta Qorshaha Qaran ee Maareynta Hubka iyo Rasaasta, loona xoojin lahaa dadaallada lagula dagaallamayo hubka sharci darrada ah iyo qaraxyada ay kooxaha argagixisada u adeegsadaan falalka amni-darrada ah.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa khudbaddiisa xidhitaanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si hufan loo hago arrimaha hubka iyo rasaasta, isagoo tilmaamay in “maareynta hubka ay laf-dhabar u tahay sugidda amniga Soomaaliya,” wuxuuna xusay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta siyaasadaha, sharciyada, iyo farsamooyinka lagu wajahayo khatarta hubka sharci darrada ah.

“Waxaan xoojin doonnaa awoodda hey’adaha ammaanka, waxaana la dhisi doonaa nidaamyo la isku halleyn karo oo lagu xakameeyo socodka hubka, iyadoo la kaashanayo saaxiibada caalamiga ah,” ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac.

Intii uu socday shirweynuhu, waxaa lagu falanqeeyay:

  • Xoojinta iskaashiga u dhaxeeya hey’adaha amniga heer Federaal iyo Dowlad Goboleed.

    - Advertisement -
  • Dhismaha xog-ururin iyo hab-raacyo mideysan oo lagu maareynayo hubka dalka ku sugan.

  • Kordhinta tababarrada iyo qalabka ay u baahan yihiin hay’adaha la tacaala qaraxyada.

  • Wada shaqeyn la taaban karo oo lala yeesho beesha caalamka.

Shirkan ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay wajaheyso caqabado amni oo baahsan, gaar ahaan falalka qaraxyada ee kooxaha xagjirka ahi ku beegsadaan shacabka iyo ciidamada ammaanka. Qorshaha Qaran ee la xusay ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Federaalka ee lagu dhisayo awood dowladeed oo suurtagelineysa in hubka gacanta lagu hayo loona wajaho qatarta argagixisada si mideysan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts