HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Ku Dhawaaqay Furitaanka Gogosha Wadatashiga Siyaasadeed ee Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ku Dhawaaqay Furitaanka Gogosha Wadatashiga Siyaasadeed ee Soomaaliya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada Soomaaliyeed, taas oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho, 15-ka Juun 2025. Go’aankan ayaa ka dhashay wadatashiyo ballaaran oo madaxweynuhu la yeeshay madaxda dowlad-goboleedyada, madaxdii hore ee dalka, ururrada siyaasadeed, iyo bulshada rayidka ah, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada Soomaaliyeed, taas oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho, 15-ka Juun 2025.

Go’aankan ayaa ka dhashay wadatashiyo ballaaran oo madaxweynuhu la yeeshay madaxda dowlad-goboleedyada, madaxdii hore ee dalka, ururrada siyaasadeed, iyo bulshada rayidka ah, si loo adkeeyo is-fahamka siyaasadeed, dib-u-heshiinta, iyo midnimada qaranka.

- Advertisement -

Shirka Wadatashiga ayaa diiradda saari doona arrimaha muhiimka u ah dowlad-dhiska Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin:

  • Sugidda amniga iyo la-dagaallanka argagixisada

  • Dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta doorashooyin xor ah

    - Advertisement -
  • Dhammeystirka dastuurka KMG ah

  • Midnimada qaranka iyo dhab-u-heshiinta shacabka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiinta, madaxda dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay u diyaar garoobaan kana qeybgalaan shirka, si wadatashi dhab ah loogu wajaho mustaqbalka dalka.

Fududeynta dhanka farsamada ee shirka waxaa loo xilsaaray guddi gaar ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin Maxamuud. Guddigan ayaa masuul ka noqon doona isku-dubaridka iyo habsami u socodka arrimaha la xiriira gogosha.

Warka rasmiga ah ee kasoo baxay Madaxtooyada Qaranka ayaa lagu sheegay in shirka uu fure u noqon doono wadahadal miro dhal ah oo lagu dhisayo mustaqbal siyaasadeed oo waara, xasilloon iyo mid dadka Soomaaliyeed ay si wadajir ah uga shaqeynayaan.

Warka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:-

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts