HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Ku Dhawaaqay Furitaanka Gogosha Wadatashiga Siyaasadeed ee Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ku Dhawaaqay Furitaanka Gogosha Wadatashiga Siyaasadeed ee Soomaaliya

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada Soomaaliyeed, taas oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho, 15-ka Juun 2025. Go’aankan ayaa ka dhashay wadatashiyo ballaaran oo madaxweynuhu la yeeshay madaxda dowlad-goboleedyada, madaxdii hore ee dalka, ururrada siyaasadeed, iyo bulshada rayidka ah, […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada Soomaaliyeed, taas oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho, 15-ka Juun 2025.

Go’aankan ayaa ka dhashay wadatashiyo ballaaran oo madaxweynuhu la yeeshay madaxda dowlad-goboleedyada, madaxdii hore ee dalka, ururrada siyaasadeed, iyo bulshada rayidka ah, si loo adkeeyo is-fahamka siyaasadeed, dib-u-heshiinta, iyo midnimada qaranka.

- Advertisement -

Shirka Wadatashiga ayaa diiradda saari doona arrimaha muhiimka u ah dowlad-dhiska Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin:

  • Sugidda amniga iyo la-dagaallanka argagixisada

  • Dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta doorashooyin xor ah

    - Advertisement -
  • Dhammeystirka dastuurka KMG ah

  • Midnimada qaranka iyo dhab-u-heshiinta shacabka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiinta, madaxda dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay u diyaar garoobaan kana qeybgalaan shirka, si wadatashi dhab ah loogu wajaho mustaqbalka dalka.

Fududeynta dhanka farsamada ee shirka waxaa loo xilsaaray guddi gaar ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin Maxamuud. Guddigan ayaa masuul ka noqon doona isku-dubaridka iyo habsami u socodka arrimaha la xiriira gogosha.

Warka rasmiga ah ee kasoo baxay Madaxtooyada Qaranka ayaa lagu sheegay in shirka uu fure u noqon doono wadahadal miro dhal ah oo lagu dhisayo mustaqbal siyaasadeed oo waara, xasilloon iyo mid dadka Soomaaliyeed ay si wadajir ah uga shaqeynayaan.

Warka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:-

Latest stories