Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay shir degdeg ah oo looga hadlay arrimo muhiim u ah amniga dalka. Intii uu socday shirka, Golaha Wasiirrada ayaa si rasmi ah u ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabista Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), iyadoo xilkan mar kale loo magacaabay Mudane Mahad Maxamed Salaad.
Mahad Maxamed Salaad ayaa ah siyaasi khibrad dheer u leh arrimaha amniga iyo sirdoonka dalka. Waxa uu horey u soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiir, Xildhibaan, iyo Agaasimaha Hay’adda NISA — xil uu hayay sannadkii 2022. Dib ugu soo laabashada xilkan ayaa ka tarjumaysa kalsoonida lagu qabo aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Agaasimihii hore, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), dadaalkii iyo shaqadii uu u qabtay Qaranka intii uu xilka hayay, iyagoo xusay kaalinta uu ka qaatay xilligii lagu guda jiray adkeynta hay’adaha amniga.
Magacaabista Mahad Salaad ayaa kusoo beegmaysa xilli dalka uu wajahayo duruufo amni iyo siyaasadeed oo u baahan hoggaan adag, is-faham iyo khibrad. Mahad Salaad ayaa la rumeysan yahay inuu ka mid yahay siyaasiyiinta saameynta leh ee Villa Somalia, waxna ka beddeli kara jihada amniga dalka.
