HomeWararDowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia

Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fulisay laba duqeyn oo cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda ISIS-Somalia, kuwaas oo halis ku ah amniga dalka iyo danaha caalamiga ah ee gobolka. Duqeyntii ugu horreysay ayaa la qaaday 31-kii May 2025, waxaana lagu beegsaday bartilmaameed 75km koonfur kaga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fulisay laba duqeyn oo cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda ISIS-Somalia, kuwaas oo halis ku ah amniga dalka iyo danaha caalamiga ah ee gobolka.

Duqeyntii ugu horreysay ayaa la qaaday 31-kii May 2025, waxaana lagu beegsaday bartilmaameed 75km koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Duqeyntii labaad ayaa dhacday 1-da Juun 2025, iyadoo lala eegtay goob 72km u jirta Boosaaso dhanka koonfureed.

- Advertisement -

“Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu wiiqayo awoodda ISIS-Somalia si looga hortago qorsheynta iyo fulinta weerarro argagixiso oo wax u dhimi kara shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamka,” ayaa lagu yiri bayaan rasmi ah oo kasoo baxay dowladda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay Taliska AFRICOM taageeradooda joogtada ah, iyadoo adkaysay go’aankeeda ku aaddan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah. Sidoo kale, dowladda ayaa uga mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka garab istaagga ay u muujiyaan amniga iyo xasilloonida dalka.

Dhankooda, AFRICOM ayaa xaqiijisay in iyagoo la kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii wadaan tallaabooyin lagu xakameynayo awoodda ISIS-Somalia, si loo hor istaago khataraha ka imaan kara weerarro laga geysto gudaha Soomaaliya iyo meelaha ay joogaan ciidamada iyo muwaadiniinta Mareykanka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts