HomeWararMas'uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka...

Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadam, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), iyo masuuliyiin kale oo heer gobol ah, si ay uga wada hadlaan khasaaraha ka dhashay roobabkii xooganaa ee xalay ka da’ay Muqdisho. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii […]

- Advertisement -

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadam, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), iyo masuuliyiin kale oo heer gobol ah, si ay uga wada hadlaan khasaaraha ka dhashay roobabkii xooganaa ee xalay ka da’ay Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii gurmad degdeg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen daadadka, iyo in si dhakhso leh loo qiimeeyo baahiyaha degdegga ah ee ay qabaan dadka ay dhibaatadu taabatay.

- Advertisement -

Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale booqdeen waaxda saadaasha ee SoDMA, iyagoo halkaas ka dhageystay warbixin horudhac ah oo la xiriirta xaaladda roobabka. Hay’addu waxay ballanqaadday in ay si degdeg ah u gaarsiineyso gargaar dadka ay waxyeelladu gaartay, islamarkaana ay dhawaan soo saari doonto warbixin rasmi ah oo faahfaahinaysa khasaaraha guud.

Latest stories