HomeWararHay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Kulan Wadatashi ah oo Ku Saabsan Xeer-nidaaminta...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Kulan Wadatashi ah oo Ku Saabsan Xeer-nidaaminta Xargaha Internetka

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

15 Abriil 2025 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta qabatay kulan wadatashi ah oo lagu gorfeynayo qabyo-qoraalka Xeer-nidaamiyaha Xargaha Badda Hoosteeda Mara (Submarine Cable Landing Regulation). Kulankan ayaa waxaa isugu yimid qaar ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta dalka oo ay matalayeen madax sare, sharciyaqaanno, iyo khubarada dhinaca farsamada ee shirkadaha. Maareeyaha Guud ee Hay’adda […]

- Advertisement -

15 Abriil 2025 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta qabatay kulan wadatashi ah oo lagu gorfeynayo qabyo-qoraalka Xeer-nidaamiyaha Xargaha Badda Hoosteeda Mara (Submarine Cable Landing Regulation).

Kulankan ayaa waxaa isugu yimid qaar ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta dalka oo ay matalayeen madax sare, sharciyaqaanno, iyo khubarada dhinaca farsamada ee shirkadaha.

- Advertisement -

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, oo furay kulanka, ayaa faahfaahiyay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee uu leeyahay xeer-nidaamiyahan iyo sida uu ula jaanqaadayo habraacyada caalamiga ah.

“Dalkeennu wuxuu leeyahay mid ka mid ah xeebaha ugu dheer Afrika, taas oo fursad weyn u ah dhismaha kaabeyaasha xargaha badda hoosteeda mara. Kheyraadkan Alle nagu manneystay wuxuu sare u qaadi karaa in internetka la gaarsiiyo dalka oo dhan iyo guud ahaan dalalka aan badda lahayn ee ku yaalla Bariga iyo Bartamaha Afrika,” ayuu yiri Mudane Mustafa. “Haddaba, si aan fursaddan uga faa’iidaysanno fursaddaas, waa in aan qaadannaa halbeegyada caalamiga ah oo aan hirgelinno xeer-nidaamiyayaal dhiirrigeliya kaabayaal ammaan ah, oo ku qotoma tartan furan,” ayuu sii raaciyay Maareeyuhu.

Mudane Mustafa ayaa sidoo kale u mahadceliyay Hay’adda IFC, taasoo si joogto ah u taageerta horumarinta kaabeyaasha internet-ka ee dalkeena, taas oo ka caawisay Hay’adda dhinaca khubarada daadihinayay kulankan.

- Advertisement -

Wadatashigan ayaa diiradda lagu saaray dhinacyada muhiimka ah ee qabyoqoraalka xeer-nidaamiyahasida: qaab-dhismeedka shati-siinta iyo u-hoggaansanaanta shuruucda, amniga, shuruudaha isku-xirka, iyo saameynta guud ee ballaarinta heer qaran iyo heer gobol. Qabyo-qoraalka xeer-nidaamiyahan ayaa lagu saleeyay talooyin ka soo baxay kulamadii lala yeeshay shirkadaha isgaarsiinta bishii Sebtembar 2024.

Ka dib kulanka wadatashiga, waxaa shirkadaha isgaarsiinta iyo internetka laga codsanayaa inay talooyinkooda ku saabsan xeer-nidaamiyaha oo qoran soo gudbiyaan ugu dambeyn 30-ka Abriil 2025.

Latest stories