HomeWararHowlgal lagu beegsaday dagaalamayaal ka tirsan AS oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Howlgal lagu beegsaday dagaalamayaal ka tirsan AS oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan howlgallo saacadihii lasoo dhaafay laga fuliyay gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan nawaaxiga degmada Mahadaay. Wararka aan helayno ayaa sheegaya in ciidamada difaaca deegaanka ee degmada Mahadaay ay xalay saqdii dhexe howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Cabdulle-Barbaar, oo ku dhow nawaaxiga Ciid Ciidka. Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamadan ayaa […]

- Advertisement -

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan howlgallo saacadihii lasoo dhaafay laga fuliyay gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan nawaaxiga degmada Mahadaay.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in ciidamada difaaca deegaanka ee degmada Mahadaay ay xalay saqdii dhexe howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Cabdulle-Barbaar, oo ku dhow nawaaxiga Ciid Ciidka.

- Advertisement -

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamadan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in howlgalkan lagu dilay afar dagaalame oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, halka sidoo kale ay gacanta ku dhigeen hub iyo qalab kale oo ay ku jiraan qoryo iyo mooto nooca Fekon ah.

Hoggaamiyeyaasha Macawisleyda oo ka mid ah ciidamada deegaanka ayaa sheegay in howlgalkan uu qayb ka yahay dadaallada ay iska kaashanayaan ciidamada deegaanka iyo kuwa Xoogga Dalka si loo sugo nabadgelyada deegaannada hoos yimaada Mahadaay.

Howlgalladan ayaa daba socda duullaan ballaaran oo muddooyinkii dambe ka socday gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo bartilmaameed lagu hayo xubnaha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya dhulka miyiga ah.

- Advertisement -

Maamulka deegaanka iyo saraakiisha ammaanka ayaa ku hanjabay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka iyo amniga gobolka.

 

 

Latest stories