HomeWararKhasaare badan dhaliyay oo Xalay ka kacay Suuq kuyaalla Magaalada Hargeysa

Khasaare badan dhaliyay oo Xalay ka kacay Suuq kuyaalla Magaalada Hargeysa

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Ciidamada Dabdemiska iyo Samatabixinta ee Somaliland ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabka weyn oo ka kacay Suuqa Gobonimo gaar ahaan Qaybta xigta deyrka waqòoyi ee idaacada.

Ciidamada ayaa ku guuleystay in dabkaa hareereeyaan, inta aanu ku fidin suuqa intiisa kale oo ah mid ciriiri ah, ayna adagtahay in gaadiidka Dabdemisku si fudud u galaan.

- Advertisement -

Kicitaanka Dabkan ayaa bilaabmay 11:56 pm, kadibna Ciidanka ayaa sameeyay gurmad deg deg ah.

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo Ciidamada ku hogaaminayay hawlgalkaas ayaa sheegay in guud ahaan Ciidamada Dabdemiska degmooyinka caasimada oo dhan hawlgalkan ku dhamaayeen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in26 Gaari oo Dabdemis ah iyaguna ka qayb qaateen hawlgalkan. 105 ka mida ciidamada Dabdemiska ayaa hawlgalkaa fuliyay.

- Advertisement -

Taliyaha ayaa ka hadlay ciriiriga waddooyinka iyo saxmadda dadka oo aad u badnaa, fariin wacyigelin ahna bulshada u diray.

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska iyo Samatabixinta Somalilanf Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa u mahadnaqay Wasaarada Arrimaha Gudaha,Badhasaabka, Maayar xigeenka, Xoghayaha dawlada hoose, xildhibaanada, Dawlada hoose Hargeysa, Ciidamada Booliska jananadooda, Ciidanka Military ga, Wasaarada Warfaafinta, Booyadaha Shacabka iyo dadweynaha.

 

Latest stories