HomeWararCiidanka Puntland oo Gacanta ku dhigay Saldhig muhiim ah oo Daacish ku...

Ciidanka Puntland oo Gacanta ku dhigay Saldhig muhiim ah oo Daacish ku lahayd Gobalka Bari

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa maanta qabsaday difaacii ugu adkaa ee  Daacish ee deegaanka Tuursamaale, oo ka tirsan buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari. Ciidamadu waxay si buuxda gacanta ugu dhigeen deegaankaas, oo ah mid muhiim ah oo ay kooxda Daacish muddo ka badan 10 sano ka haysatay.

Fariisimihii iyo xeryihii ay kooxda Daacish ku sugnaayeen ayaa si toos ah ciidamadu ula wareegeen, Deegaanka Tuursamaale wuxuu ahaa goob muhiim u ah dhaqdhaqaaqyada Daacish, waxaana uu u adeegayay sidii xarun isku xira fariisimaha kale ee ay ku sugnaayeen.

- Advertisement -

Af-hayeenka ciidamada Puntland, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish, halka ciidanka Puntland uu ka dhintay hal sarkaal. Taliye Guray Huruuse ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weeraro kala duwan, waxaana sidoo kale dhaawac uu soo gaaray Taliye Fu’aad Xanaano, oo dhawaan ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay gobolka Bari.

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale la kulmay iska caabin xooggan, iyadoo Daacish ay ka soo horjeeday adeegsiga miinooyin badan iyo drones isku dayay inay qarxiyaan, si ay u haraan hawlgallada ciidanka. Si kastaba ha ahaatee, dhammaan isku-dayadaas oo dhan ayaa lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo, iyadoo ciidamadu ay si cad u muujinayaan awoodooda iyo go’aankooda in aysan u oggolaan doonin kooxaha inay sii joogaan gobolka.

Muuqaalada iyo sawirro la baahiyay ayaa muujinaya ciidamadu oo u dhaadhadhacaya boholihii ay Daacish iyo sidoo kale fariisimihii ay horey u degganayeen. Howlgalka ciidanka Puntland ayaa si gaar ah u fuliyeen ciidamo tababar gaar ah leh, kuwaas oo qaabilsanaa ka sifeynta iyo ciribtirka kooxaha ee ka dagaalama gobolka, gaar ahaan gudaha buuraha Calmiskaad.

- Advertisement -

Xogaha la helay ayaa sidoo kale tilmaamaya in ciidamada Puntland ay ka hortageen dhammaan isku-dayo iyo falal khatar ah oo Daacish ay ku doonaysay inay ku carqaladeeyaan hawlgallada soconaya, sida isticmaalka miinooyinka iyo drones-ka qarxa.

Ciidamadu waxay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan dhammaan iskudayadaas, waxaana ay muujinayaan dedaal weyn oo ay ku xaqiijinayaan amniga gobolka Bari.

Si kastaba, ciidamada Puntland ayaa sii wadi doona dadaalkooda, iyadoo qorshayaasha cusub ee xoojinta amniga ee gobolka Bari ay horseedi doonaan in si buuxda looga saaro kooxda Daacish deegaanada ka maqan xukunka maamulka Puntland.

Latest stories