HomeWararMucaaradka Dowladda Federaalka oo qaadacay Guddiga doorashooyinka ee dhawaan la magacaabay

Mucaaradka Dowladda Federaalka oo qaadacay Guddiga doorashooyinka ee dhawaan la magacaabay

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Masuuliyiinta Mucaaradka oo ay hogaaminayaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyrre iyo Wasiirkii hore C/raxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa si cad uga hor yimid guddiga doorashada ee qaranka. Mucaaradka ayaa soo saaray qoraal ay uga hadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka, waxaana lagu sheegay inay si buuxda uga soo horjeedaan […]

- Advertisement -

Masuuliyiinta Mucaaradka oo ay hogaaminayaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyrre iyo Wasiirkii hore C/raxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa si cad uga hor yimid guddiga doorashada ee qaranka.

Mucaaradka ayaa soo saaray qoraal ay uga hadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka, waxaana lagu sheegay inay si buuxda uga soo horjeedaan guddiga cusub ee la magacaabay, iyadoo sidoo kale la ogeysiinayo saaxiibada beesha caalamka aragtidooda.

- Advertisement -

Qoraalka kasoo baxay masuuliyiinta mucaaradka ayaa lagu sheegay: “Madaxweyne Xasan wuxuu talada dalka la wareegay iyadoo uu dalku leeyahay dastuur la isku raacsan yahay, xeerka doorasho, xisbiyada, iyo guddiga doorasho. Wuxuu bedelay dastuurkii dalka, wuxuu samaystay xeerar doorasho iyo kuwo xisbi, wuxuu magacawday guddiyo doorasho oo dhammaantood lagu jaangooyay rabitaankiisa shakhsiga ah.”

Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyrre, ayaa dhankiisa ummadda Soomaaliyeed uga digay halista ku xeeran xeerarka doorashooyinka, xisbiyada iyo guddiga uu madaxweynaha magacaabay, isaga oo sheegay in ay ku dhisan yihiin dastuurkii sida sharcidarrada ah loo beddelay, isagoo carrabka ku adkeeyay in wax kasta oo baadil lagu dhiso aysan noqon karin wax sax ah. “Wax kasta oo baadil lagu dhisay waa baadil, hal xaaraan ahna nirig xalaal ah ma dhasho,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyrre.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyrre iyo C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ah mas’uuliyiinta ugu awoodda badan ee ka tirsan mucaaradka, kuwaas oo si xooggan uga soo horjeeda hannaan doorasho oo ay ku tilmaameen mid aan dhameystirneyn, isla markaana saameyn ku leh danta guud ee dalka.

Latest stories