HomeWararPuntland oo soo bandhigatay dagaalame Israa’iil uga yimid ku biirista Daacish

Puntland oo soo bandhigatay dagaalame Israa’iil uga yimid ku biirista Daacish

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Taliska Ciidanka PSF ee Puntland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsan kooxda Daacish, kadib markii ay fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhacay qaybo ka mid ah gobolka Bari. Saraakiisha PSF ayaa xaqiijiyay in hawlgalku u dhacay sidii loo qorsheeyay, taas oo ay ku guuleysteen in ay soo qabtaan dagaalyahan lagu magacaabo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliska Ciidanka PSF ee Puntland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsan kooxda Daacish, kadib markii ay fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhacay qaybo ka mid ah gobolka Bari. Saraakiisha PSF ayaa xaqiijiyay in hawlgalku u dhacay sidii loo qorsheeyay, taas oo ay ku guuleysteen in ay soo qabtaan dagaalyahan lagu magacaabo Cabdalla Mustaf Abu-deyr, oo magaciisa af-garashaduna yahay Saalim.

Muuqaal kooban oo uu baahiyay Taliska PSF, ayaa Cabdalla Mustaf Abu-deyr ka muuqday isagoo qiraya in uu ka tirsan yahay kooxda Daacish. Wareysi laga qaaday ayuu ku sheegay in uu horey cilmiga Injineerinka uga baran jiray jaamacad ku taalla magaalada Sakhniin ee Israa’iil, kahor inta uusan ku biirin dagaalyahanada Daacish.

- Advertisement -

Cabdalla ayaa sheegay in markii uu soo gaaray buuraha ay ku sugan yihiin Daacish uu halkaasi kula kulmay shan xubnood oo ka tirsan kooxda, kuwaas oo u geeyay meel tababar lagu bixiyo oo la yiraahdo Istiqbaal, halkaas oo uu tababar ku qaatay.

“Magacaygu waa Cabdalla Mustaf Abu-deyr, magacayga af-garashaduna waa Saalim, waxaan baran jiray kulliyada Injineerinka jaamacad ku taalla magaalada Sakhniin ee Israa’iil” ayuu yiri Cabdalla Mustaf Abu-deyr.

“Waxaan soo gaaray buuraha Daacish ku sugan yihiin waxaana halkaasi igu sugayay shan xubnood oo ka tirsan Daacish, waxayna i keeneen meel la dhaho Istiqbaal halkaasi oo aan tababar ku qaatay” ayuu sii raaciyay Abu-deyr.

- Advertisement -

Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish ayaa muddooyinkii dambe si xoog leh uga socday deegaannada Puntland, iyadoo PSF ay ku guuleysatay inay beegsato dagaalyahanada kooxdaas ku sugan gobollada waqooyi-bari ee Soomaaliya. Taliska PSF ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan howlgallada ay ku sugayaan amniga deegaannada Puntland.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts