HomeWararWasiirrada A.dibadda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo ka wada hadlay Qodobbo Xasaasi...

Wasiirrada A.dibadda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo ka wada hadlay Qodobbo Xasaasi ah

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa magaalada New York kulan gaar ah kula yeeshay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Masar iyo Eritrea, Badr Abdelatty iyo Osman Saleh. Kulankani ayaa ka dhacay xilli saddexdan dal ay uga qaybgelayaan shirka 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo lagu […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa magaalada New York kulan gaar ah kula yeeshay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Masar iyo Eritrea, Badr Abdelatty iyo Osman Saleh. Kulankani ayaa ka dhacay xilli saddexdan dal ay uga qaybgelayaan shirka 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo lagu falanqeynayo xaaladaha caalamiga ah iyo iskaashiga heer gobol iyo caalami ah.

Saddexda wasiir ayaa kulankooda diiradda ku saaray qorshayaasha muhiimka ah ee iskaashi iyo isku duwid heer sare ah, iyaga oo xoogga saaray rabitaanka siyaasadeed ee ay wadaagaan Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.

- Advertisement -

Waxaa si gaar ah loo lafaguray sidii loo xoojin lahaa danaha istiraatijiyadeed ee saddexda dal, iyadoo la raadinayo waddooyin cusub oo lagu horumarin karo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo siyaasadda. Xaaladda gobolka Geeska Afrika, oo hadda cirka isku sii shareereysa, ayaa kulankan kusoo aaday, iyada oo xiisado iyo khilaafyo badan oo goboleed ay saameyn ku yeelanayaan xiriirka u dhexeeya dalalkaasi.

Masar oo ah dal saameyn weyn ku leh gobolka, ayaa si cad u muujisay taageeradeeda dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, taasoo qeyb ka ah xiriirka soo jireenka ah ee labada dal. Taageeradaas waxaa ka mid ah hub badan oo dhowaan ay Masar ugu deeqday Soomaaliya, arrintaas oo Itoobiya si weyn uga walaacisay, maadaama labada dal ay isku hayaan arrimo biyo-xireenka wabiga Niilka iyo arrimo kale oo istiraatiji ah.

Sidoo kale, xaaladda xiriirka u dhexeeya Eritrea iyo Itoobiya ayaa weli xasaasi ah,Eritrea, oo xiriir dhow la leh Soomaaliya, waxay dadaal ku bixineysaa sidii loo heli lahaa jawi xasilloon oo gobolka ah, inkasta oo Itoobiya ay cadaadis siyaasadeed iyo mid amni ku waddo.

- Advertisement -

Kulankan ayaa ka tarjumaya dadaalka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya ay ugu jirto inay xoojiso iskaashiga iyo xiriirka kala duwan ee ay la leedahay dalalka gobolka iyo dunida inteeda kale, iyadoo loo marayo hay’adaha iyo fagaareyaasha caalamiga ah ee sida Qaramada Midoobay.

Latest stories