HomeWararFaah faahin: Ciidanka Xoogga dalka oo Howgal Qorsheysan ka fuliyay Gobolka Mudug

Faah faahin: Ciidanka Xoogga dalka oo Howgal Qorsheysan ka fuliyay Gobolka Mudug

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ayaa saaka howlgal ballaaran oo qorsheysan ka fulinaya deegaanno muhiim ah oo ku yaalla koonfurta gobolka Mudug. Howlgalkan, oo si gaar ah diiradda loogu saarayay deegaannada ku dhow degmada Xarardheere, ayaa lagu soo warramayaa in ciidamada ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Baraag Cali Gaduud, oo ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ayaa saaka howlgal ballaaran oo qorsheysan ka fulinaya deegaanno muhiim ah oo ku yaalla koonfurta gobolka Mudug. Howlgalkan, oo si gaar ah diiradda loogu saarayay deegaannada ku dhow degmada Xarardheere, ayaa lagu soo warramayaa in ciidamada ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Baraag Cali Gaduud, oo ku dhowaad 50KM dhinaca galbeed kaga beegan Xarardheere.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa warbaahinta la wadaagay in hawlgalkan uu qayb ka yahay dadaalka joogtada ah ee lagu xoreynayo deegaannada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, kuwaas oo wali ku sugan qeybo ka mid ah dowlad goboleedka Galmudug. Howlgalka ayaa ah mid qeyb ka ah ololaha waaweyn ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso inay ku cirib-tirto xubnaha Al-Shabaab ee weli ku dhuumaaleysanaya gobollada dhexe iyo koonfureed ee dalka, iyagoo taageero ka helaya ciidamada deegaanka oo si firfircoon uga qeyb qaadanaya dagaalka ka dhanka ah kooxdan argagixisada ah.

- Advertisement -

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa tan iyo markii uu billowday howlgalka ballaaran ee ka dhanka ah Al-Shabaab, guulo ka gaaray deegaanno badan oo horey ay kooxdaasi u maamuli jirtay.

Baraag Cali Gaduud oo ka mid ah deegaannada istiraatiijiga ah ayaa muhiim u ah isku xirka magaalooyinka gobolka, gaar ahaan degmada Xarardheere iyo deegaannada ku dhow.

La wareegidda deegaankaasi ayaa u oggolaan doonta ciidamada inay ku sii durkaan deegaannada kale ee ku dhow, iyaga oo sii xoojinaya xasilloonida gobolka.

- Advertisement -

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts