HomeWararGuddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed oo la kulmey ku-xigeenka ergayga gaarka ah...

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed oo la kulmey ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa shir guddoomiyay kulan wax ku ool ah oo ay qeyb ka ahayeen ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay George Conway iyo madaxa xafiiska UN-OCHA ee Soomaaliya Crispen Rukasha oo ay weheliyaan kooxo farsamo oo ka kala socday hay’adaha UN-OCHA iyo SoDMA. Kulanka ayaa diiradda […]

- Advertisement -
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa shir guddoomiyay kulan wax ku ool ah oo ay qeyb ka ahayeen ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay George Conway iyo madaxa xafiiska UN-OCHA ee Soomaaliya Crispen Rukasha oo ay weheliyaan kooxo farsamo oo ka kala socday hay’adaha UN-OCHA iyo SoDMA.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada iyo isku-duwidda howlaha gurmadka, wax ka qabashada caqabadaha la xiriira leexsashada gargaarka, gacan ka geysiga arrimaha xasilinta, wax-ka-qabashada caqabadaha la diiwaan galiyay iyo in SoDMA ay noqoto isku-duwaha hoggaanka u ah dadaalka xasilinta degdegga ah si loo helo hufnaan.
Sidoo kale, waxaa kulanka looga wada-hadlay dar-dar galinta iyo isku-dubbaridka howlaha Madasha bani’aadannimda dalka taas oo dhawaan dhici doonta, kana soo qeyb galayaan deeq-bixiyayaasha, Wasaaradaha Dowlad gobolleedyada ee ka shaqeeya gargaarka iyo guud ahaan hay’adaha ku lugta leh arrimaha bani’aadannimo, waxaana la muujiyay muhiimadda ay leedahay helidda waxqabad midaysan iyo qorshe dhammaystiran.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts