HomeWararSoomaaliya oo ka qeybgalaysa meertada 78-aad ee fadhiga guud ee Qaramada Midoobey

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa meertada 78-aad ee fadhiga guud ee Qaramada Midoobey

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa u Amba-baxay Magaalada New York ee dalka Mareykanka, isaga oo hoggaaminaya wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qeybgalaya meertada 78-aad ee fadhiga guud ee Qaramada Midoobey oo lagu dooranayo xubnaha Golaha ammaanka, taasi lagu wado inay qabsoonto 6 bishan June. Laga bilaabo […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa u Amba-baxay Magaalada New York ee dalka Mareykanka, isaga oo hoggaaminaya wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qeybgalaya meertada 78-aad ee fadhiga guud ee Qaramada Midoobey oo lagu dooranayo xubnaha Golaha ammaanka, taasi lagu wado inay qabsoonto 6 bishan June.

Laga bilaabo 1-da Janaayo 2025, Soomaaliya iyo xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha ammaanka waxaa u bilaaban doona muddo xileedkooda oo ku eg 31-ka December 2026.

- Advertisement -

Musharraxnimada Soomaaliya ee kursiga furan ee Afrika xilligan u gaarka ah bariga Afrika, waxa ay ku hanan doontaa si aan tartan ku jirin, taasi oo la jaan-qaadaysa hannaanka kaltanka wareegga ee Afrika.

Soomaaliya  ayaa musharraxnimadeeda ku dhawaaqday sanadkii 2018-kii, waxa ay si rasmi ah taageero uga heshay kulankii caadiga ahaa meertadiisa 44-aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo qabsoomay bishii Febraayo, 2024.

Soomaaliya, oo xubin ka ah Qaramada Midoobey tan iyo gobonnimadeedii sanadkii 1960, waxa ay horay xubin uga noqotay Golaha ammaanka oo muddo xileedkeedu ahaa 1971-1972, waxa ay kaalin lixaad leh ka qaadatay qaadaa-dhigidda iyo go’aan ka gaaridda arrimaha nabadda iyo amniga caalamiga.

Latest stories