HomeWararAS oo Weerar khasaaro dhaliyay la beegsatay Askar ka tirsan Ciidanka Kenya

AS oo Weerar khasaaro dhaliyay la beegsatay Askar ka tirsan Ciidanka Kenya

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dagaalyahano hubeysan oo kamid ah Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay weerar dhabba-gal ah kula beegsadeen duleedka magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Kenya. Weerarka kadib ayaa waxaa deegaanka Ijaara ee duleedka Gaarisa ka dhacay dagaal dhexmaray ciidamada Kenyaanka ah ee la weeraray iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaalyahano hubeysan oo kamid ah Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay weerar dhabba-gal ah kula beegsadeen duleedka magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Kenya.

Weerarka kadib ayaa waxaa deegaanka Ijaara ee duleedka Gaarisa ka dhacay dagaal dhexmaray ciidamada Kenyaanka ah ee la weeraray iyo Shaababka, waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in dagaalkaasi dhacay uu socday dhowr daqiiqo oo xiriir ah.

- Advertisement -

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa lasoo werinayaa inuu ka dhashay weerarka iyo dagaalkii dhacay intaba, Al-Shabaab ayaa sheegatay inay gubtay mid kamid ah kolonyada ciidanka Kenya, isla markaana ay dishay askar kamid aheyd ciidamada.

Dhinaca kale Saraaakiil u hadashay dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka uga yimid dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ka dhacay duleedka magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari , ayna khasaare gaarsiiyeen.

Si kastaba, Shabaab ayaa marara badan sidaan oo kale waxa ay weeraro khasaarooyin badan dhaliyay ula beegsadeen ciidamada Kenya ee Booliska iyo kuwa Milateriga oo socdaalo ku marayay deegaano ka tirsan Gobolka waqooyi bari ee dalkaasi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts