HomeWararMW Xasan Sheekh oo xariga ka jaray Xarunta Kaydka Gaaska cuntada Somalia

MW Xasan Sheekh oo xariga ka jaray Xarunta Kaydka Gaaska cuntada Somalia

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweymaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarigga ka jaray Xarunta Kaydka Gaaska cuntada Soomaaliya ee Benaadir, taasi oo ka qayb qaadanaysa qorshaha looga hortagayo xaalufinta dhirta iyo nabaad-guurka deegaanka. Madaxweynaha oo ku ammaanay mas’uuliyiinta Shirkadda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed sida ay dowladda uga gacan siinayeen qorshaha ilaalinta deegaanka iyo dib u dhiska dalka ayaa […]

- Advertisement -

Madaxweymaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarigga ka jaray Xarunta Kaydka Gaaska cuntada Soomaaliya ee Benaadir, taasi oo ka qayb qaadanaysa qorshaha looga hortagayo xaalufinta dhirta iyo nabaad-guurka deegaanka.

Madaxweynaha oo ku ammaanay mas’uuliyiinta Shirkadda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed sida ay dowladda uga gacan siinayeen qorshaha ilaalinta deegaanka iyo dib u dhiska dalka ayaa ka dalbaday in la raqiisiyo qiimaha Gaaska si qoys walba u awoodo iibsashadiisa.

- Advertisement -

“Waxaan ku dhiiri galinayaa ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashadaan Kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxaana rajeynayaa in dhowaan Gaaska dalka dibadaiisa nooga yimaada uu dalkeenna nooga soo baxo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey Ganacsatada Soomaaliyeed in ay awooddooda dhaqaale uga faa’iideyaan shacabka isla markaana ay maalgashadaan kaabayaasha dhaqaalaha dalka,  gaar ahaan gobolada dalka si fursadaha horumarku uu u wada gaaro guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Latest stories